Helsinki (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Finland ayaa daah-furtay in xanta oo ku badata goobta shaqadu ay boqolkiiba 61 kor u qaaddo halista dhinaca nafsadda iyo niyad xumada ah ee ku dhacda shaqaalaha. Daraasaddan oo baadhitaankeedu socday muddo 3 sano ah waxa lagu ogaaday in xanta badan iyo kala warranka shaqaalaha dhexdiisa gashaa ay disho ruuxda wada-shaqaynta iyo iskaashiga shaqaalaha isla markaana ay shaqaalaha ku abuurto niyad jab iyo calool xumo joogto ah, oo wax weyn u dhimaysa habsami u socodka shaqada iyo nidaamka shaqo ee xarunta.
Waxa ay cilmi baadhaysaashu sheegeen in daraasaddan ay ku ogaadeen in tiro ka badan boqolkiiba 53 oo ka mid ah shaqaalaha goobta shaqo ee xantu ku badan tahay ay qaadaan isku buuq iyo wareer iyo daal nafsi ah, taas oo qaarkood ku keenta xanuun nafsi ah oo gaadha in xataa daawooyin ay u qaataan. Waxa ay khubaradani ku taliyeen in sida ugu fiican ee shaqo wanaag looga dhalin karo goobta shaqadu ay tahay in laga shaqeeyo sidii xidhiidh fiican oo aan is xamasho lahayn looga dhex dhalin lahaa shaqaalaha.