Budhcad Jabsatay Sanduuqii Fariimaha Qoyska Bush

0
637

 

Picture1Houston (Geeska/AP)- Budhcad aan la aqoonsan ayaa jabsaday sanduuqii fariimaha ee gaarka u ahaa qoyska reer Bush, oo ku jireen sawiro gaar u ahaa xubnaha qoyska, sida afhayeenka  George H.W. Bush, sheegay in baadhitaan la wado.

Barta Smoking Gun, oo daabacday qaar sawiradaa reer Bush ka mid ah ayaa sheegay in budhcadka oo sheegtay magaca "Guccifer," jabsaday fariimahii, sawiradii, lambarada telefoonada iyo ciwaanada guyaha ay ku noolyihiin qoyska reer Bush iyo saaxiibadooda.

Sawirada barta SG daabacday ayey ku jiraan mid lagu tilmaamay inuu yahay sawir odeyga Bush oo 88 jir ah dhakhtar ku jiray laba bilood, lagaga daweynayey xanuun caloosha ka haleelay.

Xaqiijinta sawiradaa ayaan weli si madaxbanaan loo caddeyn, taasoo afhayeenka reer Bush afka ka xidhay ka hadalkooda, "Waxa socda baadhitaan dembi, markaa, wax inta adhaafsiisan ma odhanayo.” Ayuu AP u sheegay Jim McGrath shalay.

Xafiiska FBI ee Houston, halka Bush degan yahay, ayaa sidoo kale ka gaabsaday ka hadlaka dhacdadan, "Ma caddeyn karo, ama beenin karo jiritaanka baadhitaan," ayey afhayeenka Houston FBI,  Shauna Dunlap sheegtay.