Xamarji Oo Ka Dayriyay Xaaladda Maxaabiista Ku Xidhan Jeelasha Wadanka

0
525

Picture3Hargeysa(Geeska):- Guddoomiyihii hore ee gobalka togdheer Md:Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamar-je),ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista jeelka weyn ee magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in ay tahay wax xuquuqul insaanka ka baxsan in qof Islaam ahi uu muddo Labaatan sano ah uu jeel ku jiro iyada oo aan wax xukun ah oo lagu fuliyey aanay haba yaraate jirin.

Md:Axmed Xaaji Cabdilaahi (Xamar-je), ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay ka hadlaayey munaasibad lagu xusaayey maalinta xuquuqul insaanka oo ka dhacday hotel Crown ee magaalada Hargeysa,waxaana uu ugu baaqay madaxweyne Siilaanyo in uu dadkaas ama qisaas ku rido ama uu cafis u fidiyo.

"Waxaan inyar aan halkan ka odhanayaa anigu bari dhawayto waanigii tabliiqa u baxay ee jeelka Hargeysa ku jiray,waxaan runtii aan ku soo arkay dad xidhan Labaataneeyo sano,waa nasiib darro waxaan leeyahay in la qisaasana waa ay u baahnaayeen in la saamaxana waa ay u baahnaayeen,waxaa se xuquuqul insaanka meel ka dhac ku ah,qof Labaatan sanadood Jeel ku jiray,runtii u malayn maayo arrin kale oo ka liidata oo ka mustaqbal ah xun,waayo islaam-baynu nahay oo in lays qisaaso,waxaa ay ka mid tahay xuquuqd ayey ka mid tahay, in qofka noloshiisa loo soo celiyaana xuquuqda ayey ka mid tahay,Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah wakiilada Somaliland-na waxaan ku wargelinayaa in uu booqdo illaa Jeelka Mandheera iyo ka Hargeysa,si uu u ogaado dadka bani aadamka ah ee ku jira halkaas"Ayuu yidhi Xamar-je.

Md:Xamar-je,waxaa uu sida oo kale uu sheegay in la baadho waxa uu ugu yeedhay xaafada xuquuqul insaanka ee madaxweyne Siilaanyo,waxaana uu yidhi:"Waxa kale oo aan intaas raacinayaa Haayada Xuquuqul Insaanka oo iyada laftarkeedu iska soo xil saartay arrintan waxaa iga laftarkiina idin ku socda tacadi oo waxaad arkaysaa in dawladu ay maantaba wado oo mid xuququl insaanka ka dhan ahba ay iyadu maanta(Shalay)qabanayso,waxaa laydin ka baahan yahay adkaysi iyo dhabar adayg badan in aad u muujisaan,si himilada aad leedihiin loo gaadho,oo aydaan xisbina kula saaxiibin,xukuumadna aydaan kula saaxiibin.waxaan idin ku waanin lahaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland bal in aad cid u dirtaan si isaga laftarkiisa loo sugo xuquuqdiisa,sababta oo ah waxaan u malayanayaa in xaasad ka fara badan oo aan danta qaranka ku jirin in ay ku xeeran tahay oo runtii u baahan in xuquuqdiisa qofeed la sugo,taana waxaan idin ku waaninayaa in aad xuquuqdiisa aad illaalisaan,anaguna waxaan idin ka balan qaadaynaa in inta uu nagu leeyahay aanu illaalino"Ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi.