Xalay Iyo Nuxurka Khudbad Uu Muuse Biixi U Jeediyay Dadweynaha Reer Berbera

0
721

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay hadal u jeediyay dadweynaha reer Berbera oo si weyn ugu soo baxay dhagaysiga khudbadiisa.

Md. Biixi, wuxuu dadweynaha reer Berbera iyo gobalka Saaxil uga mahadceliyay sidii ay u soo dhaweeyeen markii uu Axadii tagay magaalada Berbera. Isagoo ka waramaya ujeedada safarkiisa wuxuu yidhi “Maanta waxaanu u soconaa sannad iyo badh ka bacdi markii aad xilka noo dhiibteen inaanu ku soo noqono dadkii noo codeeyay oo aanu muraayada iska eegno oo aad noo sheegtaan oo idinka dhagaysano waar wadadii aanu idinka balan qaadnay ma haynaa, way dheertahay oo ma dhammayn karno, halkee ayaanu wax ka toosinaa oo wax ka dhimanyihiin.” Ayuu yidhi Muuse Biixi, isagoo ka hadlaya qodobka labaad ee ujeedada safarkiisa uu yidhi  “Qodobka labaad waxa weeye waxa la go’aamiyay in doorashadii dawladaha hoose ay noqoto bilaha ugu horeeya sannadka dambe, waxaana la meel mariyay sharci baarlamaanka ka soo baxay oo guurtida maraya oo lagu go’aamiyay in doorashada la galo oo laga horqaado xanibaada ah inaan diiwaangelin aan lacagteeda la haynin ay doorashada inaga xanibto, waxaana inagu soo dhaw doorashadii d/hoose, u diyaar garowgeeda iyo ka tashigeeda ayay leedahay, dawladaha hoose waa qaybta ugu weyn ee ugu muhiimsan ee dalka maamulkiisa haya markaas waxa taagan xilligii la dooran lahaa dawladaha hoose, KULMIYE wuxuu ka mid yahay asxaabta qaranka iyo ururada siyaasadeed ee cusub ee u tartami doona dawladaha hoose, markaas xisbigu wuxuu u soo noqday inuu isaga diyaariyo gobalada sidii uu doorashadaas dawladaha hoose qayb libaax uga qaadan lahaa.”

Isagoo Muuse Biixi, ka hadlaya qodobka saddexaad ee safarkiisa wuxuu yidhi  “Ta saddexaad waxa weeye waa qodob aan doonayo inaan halkan ku cadeeyo, Somaliland intii aynu Dimuqraadiyada ahayn maynaan arag xisbi iyo xukuumad isku mid ah oo haddana guddoomiyaha iyo madaxweynuhu laba kala yihiin, waxaan u arkaa inay tahay talaabo cusub oo marka hore wax tar ah marka labaad dimuqraadiyad ah, marka saddexaad talada in la wada hayo ah. Sidaas darteed waxa ujeedayada ka mid ah inaanu kaantaroolno dawladayadii, shacabku waxay doorteen KULMIYE, haddii uu qaranku doortay kULMIYE, isna wuxuu doortay Madaxweyne iyo ku xigeen iyana soo xulay wasiiro,  maareeyayaal, badhasaabo, taliyayaal ciidan, markaas waxaanu hubinaynaa balamada badhasaabadii iyo raggii Madaxweynuhu hawsha u dhiibay siyaasadii xisbiga sidii ay balan qaadeen maw socdaan, taasi hore uma jirin oo waa arrin dalka ku cusub.”

Muuse Biixi Cabdi, wuxuu sheegay inuu KULMIYE nasiib ku leeyahay inuu ku horeeyay Berbera, isagoo rageeyay mar haddii uu noqday xisbigii ugu horeeyay ee taga inuu ka heli doono codka ugu badan “Qolada xisbiyada iyo dadka danyarta ah way codsi badanyihiin, shantii sannaba mar baanu ku soo noqonaynaa idinkoo tii hore xanafteedii qaba KULMIYE iyo xisbigu wuxuu idiinku soo noqonayaa noogu rida oo codka waanu idiinka doonaynaa, waxa nasiib wanaag ah inaanu ku soo horaynay Berbera.” Ayuu yidhi  Muuse Biixi, waxaanu raaciyay “Xisbiyada walaalahayo ee soo socda ee saaxiibadayo ah ee aanu isku midka nahay waxaanu dheernahay haddaanu KULMIYE nahay waanu idiinku soo horaynay oo gacantaanu soo fidinay.”