“Hay’adaha Fulinta, Garsoorka Iyo Xeer Dejintu Way Kala Madaxbanaanyihiin”

0
2166

 

cabdiraxman-cirro-newoneHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inaanay jirin wax ogaysiin ah oo lagu wargeliyay in qadiyad ka dhaxaysay isaga iyo xisbiga UCID loo gudbiyay maxkamadda sare.

 

Komishanka dorashoyinka ayaa qoraal ay Sabtidii qoreen, waxa ay maxkamadda sare ugu gudbiyeen inay ka garsoorto dacwad muran dhalisay oo u dhaxaysa guddoomiye Cirro iyo xisbiga UCID oo ku doodaya in laga wareejiyo xilkii xildhibaanimo mar haddii uu xisbiga ka baxay kuna biiray urur siyaasadeed cusub. Hase yeeshe Md. Cirro, ayaa sheegay inaan wax wargelin ah la siinin, “Runtii waxa wara oo aan ka hayo oo nala soo ogaysiiyay waraaq komishan qoray ama cid kale qortay ma jiro.” Ayuu yidhi Cirro, oo shalay u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV, waxaanu intaas raaciyay “Markaas ogaysiina nalam soo siin, xildhibaano hadday jiraana in xildhibaanadaas ogaysiis la soo siiyay ma ogin, markaa wax qoraala oo aan anagu helnayna ma jiro markaa cidii qortay ayuunbaa arintaas faahfaahin ka bixin karta, markay na soo gaadhaa uun baanu faahfaahin rasmiya ka bixin doona.”

Isagoo sharaxaya farqiga u dhexeeya hay’ahada dalka, wuxuu yidhi “Lakiin waxa aan u sheegayaa uun hay’adaha qaranka iyo umada iyo shacabka reer Somaliland in dastuurku tilmaamay inay kala madax banaanyihiin  hay’adaha qaranka oo ah Fulinta, Xeerdajinta iyo Garsoorka markaa haday tahay arin khusaysa golaha,  golaha uunbaa xalkeeda iska leh, go’aankeedana golaha uunbaa iska leh.”