Wasiir Maxamed Xaashi Oo Geeska Afrika Uga Jawaabay Su’aalo Ku Saabsan Wasaaradiisa, Dhaqaalaha Dalka Iyo Xafiis Baadhised Oo Uu Sameyay

1
1968

 

Hargeysa, (Geeska)- Wasiirka Maaliyada Eng, MaxamedMaxamed-Xaashi-300x224 Xaashi Cilmi ayaa difaacay sharciyadda abuuritaanka waax baadhiseed wasaaradiisa ah oo uu dhawaan sameeyay, isla markaana sheegay inay keentay baahi ay u qabaan oo ay ka waayeen xafiiska hantidhowrka.

 

Eng. Maxamed Xaashi ayaa sheegay inuu bisha December gudaheeda golaha wakiilada horgayn doono miisaaniyad ka badan 60% tii sannadkan. Wasiir, Maxamed Xaashi oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo la xidhiidha wasaaradiisa iyo dhaqaalaha dalka. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan:

Wasiir, sida dastuurku qorayo in miisaaniyadda qaranka lagu horgeeyo Baarlamaanka way dhaaftay, maxaad ku sababayn kartaa?

Adeer, waa runtaa, laakiin, waxaan doonaynaa miisaaniyad wax walba u dhan yihiin inaan geyno. Muddadii Somaliland jirtay laba xilli keliya ayaa xilliga aaad sheegayso miisaaniyad lagu geeyey baarlamaanka, labadiina waa la soo celiyey. Miisaaniyaddu maaha keliya inay kharash iyo dakhli ka muuqdaan, laakiin waxaan doonaynaa wax kasta ama hanti kasta oo qaranku leeyahay ka muuqato.  Caasimadda iyo dhamaan gobolada dalka oo dhan inaan ogaano oo dakhliga ka soo bixi karana miisaaniyadda uu ka muuqdo, wefdiyo ayaa noogu maqan. Mucaawinooyinka iyo dakhli kasta oo inna soo gala waa inay ka muuqata miisaaniyada, taa ayaan wadnaa, insha alaah, bisha December nalama dhaafi doonto.

Waxa jira hay’ad dawladeed qaabilsan hantidhowrka iyo baadhitaanada, balse waxaad dhowaan ka samaysay wasaaradaada waax baadhitaaneed, sidee sharciga u waafaqaysaa?

Way waafaqaysaa. Hadii hantidhowrka hawshii looga baahnaa laga waayo, waan ku khasban nahay inaan samaysano.

Maxaad ula jeedaa haddii hawshii looga baahnaa laga waayo hantidhowrka?

Waa dhab, sannad ka hor ayey sideed goobood dakhli maaliyada ah baadheen Hantidhowrku, intaana ka sugaynay, welina kama hayno warbixintoodii, markaa waanu ku qasbanaanay inaan mid samaysano.

Dhowaan waxa jiray inaad agaasimahii kastamada xilkii ka qaaday, maxaa sababay?

Xilkii kamaan qaadin ee waan ka bedelay, intaa uma dhaafayo.

Wasiir, dad badan ayaa dhaliilsan ama weli aan hayn dhaqaalahii aad sheegi jirtay inuu dalku leeyahay, maxaad ka odhan lahayd?

Adeer, nimaan wanaagu u muuqan ayaa sidaa qaba, miyaanan sheegin in miisaaniyadda aanu soo wadnaa boqolkiiba 60% ka badnaan doonto ta xilligan, weliba marka shacabka iyo ganacsatadu gartaan u hagar baxa bixinta cashuuraha, wax badan ayaa sii kordhi doona.

 

Comments are closed.