Xalay Iyo Hargeysa: Booyad Taayir Ka Qaraxay Oo Bulshada Ka Nixisay

0
558

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa xalay si weyn uga naxay mid ka mid ah booyadaha shidaalka qaada oo uu taayir ka qarxay, iyadoo maraysay biriishka caasimadda Hargeysa.

 

Booyadan oo uu taayirku ka qarxay iyadoo ka gudbaysay Biriishka Hargeysa, kuna soo jeeday suuqa, ayaa taayirkaas qarxay oo ahaa mid ka mid ah taayiradeeda dambe, wuxuu bulshadii biriishka maraysay iyo kuwii ka ag-dhawaaba ku abuuray cabsi xoog badan. Dadweynaha qaarkii ayaa qaraxa taayirka iyo siigada xoogga badan ee uu kiciyay darteed waxay u qaateen inuu qarax dhacay, laakiin markii dambe waxa la ogaaday in waxa qarxay uu ahaa taayir booyadeed. Ciidamada Booliska ayaa markiiba gaadhay goobta uu booyada taayirku kaga qarxay, waxaanay halkaas kula kulmeen shaqaalihii booyada oo la tacaalayay badalida taayirkaas.

Weriyayaal ka tirsan Geeska Afrika oo goobtaas tagay ayaa la kulmay dadkii goobtaas ku sugnaa, kuwaas oo u sheegay inay si weyn uga naxeen taayirka booyada ee qarxay.

Booyada ayaa ahayd mid uu tankeedu culus yahay oo ah kuwa shidaalka qaada, waxaana ka qarxay mid ka mid ah taayiradeeda dambe ee dhabalka loo yaqaano.