Shirkada DOLLAR STORE Oo Koobka Gobolada Ku Wareejisay Wasaarada Ciyaaraha Dalka

0
459

 

Picture4Hargays( Geeska )-Shirkada DOLLAR STORE, ayaa Wasiirka Wasaarada ciyaaraha  ku wareejisay koobka tartanka ciyaaraha Gobolada dalka ee bisha lixaad ee sanadkan ka dhici doona Magaalada Hargeysa.

 

Sidoo kale shirkada Dollar Store waxay qalabka ciyaaraha ugu deeqday xulka kubada cagta ee ku ciyaara Magaca Gobolka Hawd, kooxdaasi oo shirkadu sheegtay inay ku soo xulatay nidaamka ay u dhisan tahay oo wanaagsan iyo guushii ay  ka keeneen koobkii gobalada ee sanadkii  hore.

Munaasibad lagu qabtay huteelka Crown ee Magaalada Hargaysa, waxa ka qayb-galay wasiirka wasaarada ciyaaraha Cali Saciid Raygal, Badhasaabada gobalada Maroodi-jeex iyo Hawd,Maayar ku xigeenka Hargaysa, qaar kamid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa iyo mulkiilaha shirkada Dolllar Store Axmed Cumar Cali (Axmed-Shiine).

 

Munaasibada oo ay hadalo ka jeediyeen Masuuliyiintaasi, waxa ugu horayntii ka hadlay Mulkiilaha shirkada Dollar Axmed Cumar Cali ( Shiine ), waxaanu tafaasiil ka bixiyay munaasibada iyo deeqahan ay bixiyeen “Xafladani waa mid anaga aad noogu qiimo weyn, waxaanuna ugu tallo-galnay inaanu xulka kubada cagta ee Gobolka Hawd ku guddoonsiino deeq qalabka ciyaaraha ah oo dhamaystiran, dadku way iswaydiinayaan oo waxay odhanayaan maxaa kooxaha kalana loo siin waayay koleyna shirkado kale kooxo kale way siiyeen, anagana doorkan waxa doonistayadu ku jihaysnayd kooxda gobolka Hawd, waxaanuna ku soo xulanay waa koox aad iyo aad u habaysan oo u dhisan, waxayna ku mutaysteen wacdarihii ay ka muujiyeen ciyaarihii gobolada dalka ee sanadkii hore ka dhacay Gobolka Togdheer”

Mulkiilaha shirkada Dollar waxa uu intaas ku daray  “Xafladan waxa noogu sii dhex lifaaqan koobkii loogu tallo-galay tartanka gobolada dalka oo aanu Wasiirka halkan ku guddoonsiinayno, koobkana waxa uu ka dhexeeyaa kooxaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana wakiil ka ah Wasiirka iyo Wasaarada ciyaaraha”

Badhasaabka gobalka Maroodi-jeex Axmed Cumar Cabdilaahi ( Xamarji ) iyo badhasaabka gobalka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa si isku mid ah ugu hanbalyeeyay ganacsadahan da’da yar deeqdan qalabka ciyaaraha ah ugu deeqay xulka gobala Hawd.

Sida oo kale waxa iyaguna xafladaas ka hadlay maayar ku xigeenka Hargaysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi iyo xildhibaanada kala ah Dogax,Cabdiraxmaan Soltelco iyo Ina Aw Aadan oo dhamaantood dardaarano u soo jeediyay Xulka gobalka Hawd, mulkiilaha Dollar Store-na u soo jeediyay hanbalyo.

Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Cali Saciid Raygal oo soo xidhay xafladaas ayaa si weyn ugu mahad naqay shirkada Dollar Store waxan uu yidhi “ Aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa Ganacsadaha Axmed Shiine runtiina waxa weeyaan nin dhalinayro ah oo aan aad ugu faraxanahay uguna han waynahay, sida fiican ee uu ciyaaraha u gacan siiyo hada iyo wakhtiyo hore oo kaleba, waxaan sidoo kaleba ugu mahad naqayaa Dirayskan uu maanta ugu deeqay kooxdan Gobolka Hawd, sidoo kalena waxa farax noo ah in uu maanta noogu deeqay Koobkii aanu dhigaynay, waxaan Leehay ILAHAY Badal khyar qaba ha ku siiyo