Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Galmudug Oo Safar Ku Jooga Magaalada Hargeysa Iyo Su’aalaha Socdaalkiisa La Iska Weydiinayo

0
1960

 

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Somaliya ee Galmudug Mr. Maxamed Warsame Kiimiko, ayaa safar ku jooga magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Mr. Kiimiko, hadda wax xil ah ma hayo, waase siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelaha Hawiye ee dalka Somaliya.

 

Ma jiro war rasmi ah oo la xidhiidha safarka siyaasigani Hargeysa ku joogo, laakiin dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ayuu ku sugnaa caasimadda Hargeysa. Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu Mr. Kiimiko wax ka weydiiyo socdaalkiisa Hargeysa, ayaa ka gaabsaday inuu saxaafada la hadlo.  Waxase la ogyahay in Mr. Kiimiko sannadkii 2006 ay dawladii Madaxweyne Rayaale ka celisay madaarka Hargeysa, isagoo doonayay inuu soo galo gudaha caasimadda isagoo ahaa Madaxweynaha Galmudug.  Madaxweynihii hore ee Galmudug maanta ayuu ka dhoofayaa dalka.

Mr. Kiimiko, oo muddo dheer dawladii Siyaad Barre ka ahaan jiray wasiirka ganacsiga, waxa la sheegay inay xilligaas saaxiibo dhow ahaayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Lamana oga inuu la kulmay qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda Somaliland mudadan uu Hargeysa joogay.

 Siyaasiyiinta dalka Somaliya ayaa u muuqda inay muddooyinkii u dambeeyay safaro caadi ah ku yimaadaan magaalada Hargeysa, waxaana badhtamihii sannadkii dhammaaday ee 2012 magaalada Hargeysa safar aan ujeedadiisa la ogayn ku yimid laba xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Somaliya, kuwaas oo ka war-wareegay inay saxaafadda uga waramaan ujeedada ay u yimaadeen Hargeysa.