Xafladii Madaxweynuhu Xalay Ku Casuumay Qurbo-jooga Iyo Fadeexada Ka Dhalatay Qaabka Kaadhadhka Loo Qabiyay

2
922

siilaayno

Hargeysa(Geeska)-Waxa xalay xarunta Madaxtooyada lagu qabtay kulan soo dhawayn ah oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u sameeyay qurbo jooga reer Somaliland ee dalka ku sugan.

Kulankaas waxa lagu soo bandhigay wax qabadkii xukuumadda sannadkii ay jirtay, iyadoo uu ka qayb galay Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, waxaana halkaas laga akhriyay khudbado kala duwan oo loo jeediyay marti sharaftii la casuumay. Xubno qurbo jooga ka mid ah ayaa xafladaas ku soo bandhigay filim Dhukumenteri ah oo si farshaxan ah loo soo diyaariyay kaas oo ka hadlayay wax qabadkii xukuumadda ee sanadku u buuxsamay. Laakiin waxay fadeexadi ka dhalatay hanaanka iyo qaabka loo xulay dadka qurbo jooga ah ee dalka ku sugan iyadoo la ogyahay inuu sannadkani noqday samankii ay qurbo joog tiradaas leegi dalka yimaadaan, ayaa waxa xafladda si gaar ah looga dhex arkayay wejiyada shakhsiyaad ka mid ah taageerayaashii KULMIYE ee qurbaha iyo weliba kuwo kale oo loo soo xulay hab ka fog nidaamka dimuqraadiyadeed Iyo dawlad wanaaga oo ah kuwo lagu soo xulay beel ahaan iyo weji garasho.

Kaadhadhkan lagu galayay xaflada xalay ka dhacday madaxtooyada waxa qaybisay madaxtooyada Somaliland oo ah hay’adda fidisay martiqaadka, waxaana si ka fog nidaamkii loogu tallo galay u qaybisay ciddii loo xilsaaray.

Qaar ka mid ah qurbo jooga Somaliland ee ku sugan gudaha Hargeysa islamarkaana kala degan xaafadaha kala duwan ee magaalada oo aanu weydiinay ayaa sheegay inaanay kaba war hayn wax martiqaad ah oo ay madaxtooyadu u fidisay halka ay kuwo kalena cadeeyeen in martiqadka lagu bixinayay weji garasho iyo sifooyin kale oo aan mudnayn in la sheego. Taas ka sokow waxa kale oo xaflada buux dhaafiyay dad aan ka mid ahayn qurbo-jooga oo la siiiyay kaadhadhkii martida loogu tallo galay.

Si kastaba ha ahaate, madaxtooyada Somaliland haddii ay garatay inay qurbo jooga oo kaalin ka ciyaaray ololihii doorashada ay martiqaado waxay ahayd inay ku xusho sifo ka qurux badan nidaamka xalay oo fadeexad iyo weji gabax ku ah hay’adda qaranka u saraysa, iyadoo la ogyahay wixii iyana ka dhashay xafladii 18 May oo iyadana si sidan la mid ah lagu qaybiyay martiqaadkii. Waxaanay ahayd in laga daayo magaca qurbo jooga ee la isku duubay oo loo bixiyo magac kale.

Comments are closed.