Mudaharaad Shalay Gilgilay Hargeysa, Dhaqdhaqaaqyadii Shalay Ilaa Xalay Iyo Faysal Oo Sheegay Inay Madaxtoyadu Ka Dambayso Khilaafka

0
1219

mudahaarad

Hargaysa(Geeska)-Mudaharaado rabshado wata ayaa shalay ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga UCID iyo jidka taga madaarka Hargeysa, kuwaas oo ay sameeyeen taageerayaasha Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha UCID oo ay guddiga fulintu dhawaan sheegeen inay xilkii ka qaadeen, halka uu isna shirweyne uu qabtay uu dhammaantood ku sheegay inuu xilkii ka qaaday.

Taageerayaal tiro badan oo ku sugnaa xarunta dhexe ee xisbiga UCID ee Hargeysa ayaa mar keliya gadooday ka dib markii uu halkaas soo gaadhay Faysal Cali Waraabe, iyadoo ay ciidamo Boolis ahi isku gadaameen xarunta  si aanu labada dhinac ee xisbiga midna u fadhiisan xafiiska. Laakiin dadweynihii ayaa gadood sameeyay iyagoo xidhay jidka  wadnaha ah ee hormara xarunta dhexe ee xisbiga UCID oo ku taala xaafadda Shacabka ee Hargeysa. Laakiin ciidamada Booliska ayaa ku guulaystay inay rabshadaas hakiyaan, jidkana furan. Dadweynahaas taageersan Faysal Cali Waraabe, ayaa markii dambe xidhay jidka taga madaarka Hargeysa ee xaafadda Calaamadaha, inkastoo isna markii dambe ay Boolisku fureen.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo rabshadahaas ka dib shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay is dejiyaan, isagoo ka hadlaya halka ay wax marayaana wuxuu yidhi,

Waxa sida oo kale mudaharaado qaatay saacado ay ka dhaceen wadada isku xidha Airportka iyo magaalda iyada oo dadkii mudaharaadayay ay markii danbe ciidamda boolisku ku kala dareeiyeen xoog.  “Madaxwaynaha waxay ahayd inaan kulano ilayn arintani waa arin dag dag’ahe waanan sugayay madaxwaynaha, intii waxan la hadalay rag badan oo  waxaan idhi waar balantaas aan madaxwaynaha la balansanaa ayaa jirtaye Sabtida arintaa haddaan la xalin dhibaataa dhacaysee furahaygii halay keeno, waan kugu soo war celinaynaa ayay iyidhaahdeen. Xalay [Habeen hore] koob iyo tobankii ayaan ogaanay in amar la bixiyay oo la yidhi yaanay cidina galin labdoodaba anigii sharciga ahaa iyo nimankii yidhi waanu ridnay. Arintii dadkaa maqlay gurigaa lagu soo buuqay wasiirka arimaha gudahaan la hadlay, waxaanu igu yidhi Maansoor sideeda iyo badhkan balan ku leeyahee sagaalka iigu kaalay. Saaka [shalay] salaadii ayaan ugu tagnay Gaboose maansoor sif iicana waa uu u hadlay, waxa naga codsaday arintan qoladii kalena inuu u yeedhayo hadday wax kala qaadan waynana madaxwaynaha ayaan arintiina u gudbinayaa. Intaa galinka horana waxaan kaa codsanayaa inaad taageerayaashaadii la hadashid.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Sidiibaan ku soo baxay xafiiskii ayaan imid shacbigii  oo kacsan baan u imid waxaan is idhi u sheeg arintii in gacanta lagu hayo, khasab ayay damceen in ay igu galiyaan xafiiska waan diiday, askartii intay u baneeyeen ayay markay is yidhaahdeen gala rasaastii ku fureen, nasiib wanaag badhasaabkii ayaa yimid waanan is raacnay, waxaan nidhi aanu idaacada dadka ka dajino, idaacadaan dadkii kaga soo nidhi isdajiya, wax dhibaato ah ma jirto arintiina dawladaa gacanta ku haysee.”

Faysal Cali Waraabe, wuxuu eedaymo u jeediyay xubno ka tirsan garabka kale ee ka soo horjeeda.  “Shabiga Somaliland waxaan leeyahay  aniga dalkan wixii iga galay wad ogtihiin, naftaydii iyo maalkaygii iyo wakhtigaygii ayaa iga galay, maantana ragaas waxaa anigaa halkaas gaadhsiiyay sida Ina Uurcade [Maayar xigeenka] iyo Cabdiraxmaan Cirro (raysal Baarlamaanka] Maantana abaalkaygii waxa uu noqday inay dawladii tidhaahdo guddoomiyiina ka soo qaada, waxaan u malaynayaa inay taasi tahay Somaliland ka tag, waxaan idiin sheegayaa Somaliland ilaa sidaan doonayo ay noqoto inaanan ka tagayn, wad mooyaane aanay wax kalana iga kaxaynayn.” Ayuu Faysal yidhi.

Maxaa Shalay ilaa xalay soo kordhay?

Faysal Cali Waraabe, oo uu Wargeyska Geeska Afrikaxalay la xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyay inaanay wax cusubi soo kordhin, wuxuu sheegay inuu jiray dedaal uu wadday Wasiirka daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gabose, si xaaladda loo dejiyo balse aanu wax natiijo ah weli soo kordhin. Faysal wuxuu eedaymo u jeediyay madaxtooyada oo uu sheegay inay dabada ka riixayso arrintan, “Arrintan madaxtooyadaa laga wadaa oo ragga kale madaxtooyada ayay isku halaynayaan, haddii aanay sidaas ahayn Madaxweyne Siilaanyo wuu yaqaanaa shuruucda xisbiyada oo guddoomiye xisbi ayuu ahaan jiree muxuu mawqif cad u qaadan la’yahay ee uu daaha ugu soo jiraa. Markaas arrintan madaxtooyadaa wadda, aniguna maanta wasiirka daakhiliga ayaan jaanis siinayaa waxase aan balan qaadayaa inaan Isniinta beri xafiiskayaga fadhiisanayo oo aan tagayo wixii ka dhacana masuuliyadeeda waxa leh madaxtooyada oo arrintan dabada ka riixaysa.”