Xaflad Loo Sameeyay Shaqaale Dawladeed Oo Ka Qalin Jebiyay Machadka CSI

0
710

xaflada

Hargeysa(Geeska)-Xarunta machadka tababarada shaqaalaha dawladda ee Hargeysa, ayaa shalay lagu qabtay munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiiyay shaqaalihii wasaaradda maaliyada ka tirsanaa ee ku guuldaraystay imtixaankii qiimaynta ahaa, kuwaas oo loo furay tababar waxbarasho ah.

Munaasibadaas waxa ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, Agaasimaha Machadka Tababaradda Dawladda  Md. Maxamed Mixile Boqore, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Muxumed Aw cabdi Ismaaciil, Hanti-dhawrka Guud Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud Dheere), Xisaabiyaha Guud iyo Masuuliyiin kale.

Agaasimaha machadka tababarada shaqaalaha dawladda Maxamed Mixile Boqore, oo halkaas ka hadlay ayaa ammaan u jeediyay shaqaalaha tababarka dhammaystay isagoo ka waramay tababarka iyo casharada ay qaateen oo wax weyn ka tari doona hawlahooda shaqo, waxaanu sheegay inay tababarkaas qaadanayeen muddo shan bilood ah iyadoo la geliyay tacab faro badan.

Munaasibaddan Qalinjabinta ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay, Wasiirka Maaliyadda waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waan ogolaaday inaad shaqadiinii dib ugu soo noqotaan, laakiin Dalacsiintiinu waxay ku xidhan tahay sida aad dadaal u muujisaan, waxaanan qabaa inaad haysataan maanta aqoon ka wanaagsan intii aad haysateen markii aad dhacdeen oo Imtixaanadad dambe idinka caawisa, waxaanan filayaa inaad aqoontaas umadda ugu shaqayn doontaan, waxaana la sameeyey intii aad naga maqnaydeen Dib u habayb taasna waad la qabsan doontaan, waxaan idiin sheegayaa Muddo Todobaad ah ayaad fasax ahaan doontaan, muddadaasna waxaanu kala qorshayn doonaa meelihii aad kala tagi lahaydeen ee aad ka kala hawl gali lahaydeen.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Hanti dhawrka Guud ee Qaranka Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud Dheere),  waxaanuu ku tilmaamay Shaqaalaha Qalin jabiyey inay wax badan ka tari doonaan Xisaab wanaag iyo habka Cashuur ururinta.

Guddomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay shaqaalahani si bilaa hadal ah u gali doonaan shaqadoodii ay ka hayeen Wasaradda Maliyadda, isla markaana ay noqon doonaan shaqaale aqioon leh maadaama oo mudadaas Shanta Bilood ah lagu tabcayey.