Xafladda Furitaanka Mashruuca Dib U Dhiska Waddada Isku Xidha Xamaas Iyo Hargeysa

0
607

Xamaas (Geeska)- Dawladda Somaliland waxa ay Shalay si rasmi ah u furtay mashruuc lagu dayac tirayo waddada isku xidha Xamaas – Hargeysa, mashruucaasi oo laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Waxa Mashruuca furitaankiisa si rasmi ah ugaga dhawaaqay tuulada Xamaas Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

1

Waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa waxa la sameeyay todobaatannadii waana waddo halbowle ah oo dekedda Berbera ku xidha Hargeysa illaa xuduudda Itoobiya. Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (RDA) ayaa dhawaan soo gebo-gebeysay dayactirka 100 kilomitir oo kamid ah islawaddadan inta u dhaxaysa tuulada Xamaas illaa Sheekh. Dayactirkaas waxaa kamid ahaa dib-udhiska biriishka Huddusa. Wakaaladdd Horumarinta Waddooyinku waxa ay sidoo kale dayactir kusamaysay 20.6 kilomitir oo ah inta u dhaxaysa Degmada Dila iyo Kalabaydh oo ay marto wadada isku xidha Hargeysa iyo Borama. Mashaariicdan dayactirka waddooyinka waxaa laga maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) Dayactirkani waxa uu waxweyn kataray xaaladda waddada iyad oo ay yaraadeen shilalkii baabuurta, sidoo kalena uu soo gaabtay wakhtigii isusocodka magaalooyinku, iyo iyada oo uu kayaraaday gaadiidleyda kharashkii kaga bixijiray dayactirka.

Mashruucan maanta la dhagax-dhigay waxaa isna laga maalgelinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaanu dayactirk kusamayn-doonaa 30 kilomitir oo katirsan inta u dhaxaysa tuulada Xamaas iyo Hargeysa. Waxaa larajaynayaa in dayactirkani waxweyn kataridoono xaalladda waddada islamarkaana ay yaraan doono wakhtiga isusocodka magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa. Mashruucan waxaa lagu fulindoonaa muddo 8 billood gudohood ah, marka la dhamaystiro waxay noqonaysaa guud ahaan waddooyinka ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku dayactirtay 130 kilomitir oo laga maageliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Cali Xasan Maxamed isaga oo kahadlaya muhiimadda waddadani u leedahay qaranka, ayaa wuxuu yidhi “ Waxaan marag uga ahay qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland in lacagtii cashuur-bixiyayaasha lagu maalgelgeliyey waddooyin muhiim u ah kaabayaasha dhaqaale. Waxaan ku faraxsanay in maanta ladhagax-dhigayo dayactirka waddada Xamaas – Hargeya, tani waxa ay wax weyn kataridoontaa yareynta shilalaka gaadiidk”

Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo oo si rasmiya u dhagax dhigay waddadan ayaa hadal uu ka jeediyey madasha dhagax dhigay waxa uu kaga hadlay muhiimadda waddooyinku ay u leeyihiin isgaadhsiinta qaranka, waxaanu yidhi “faraxad wayn bay ii tahay inaan maanta ka soo qayb galo dhagax dhiga waddada isku xidhaysa Xamaas iyo Hargeysa. Waddadaasi wa waddo aad u muhiima isgaadhsiinta qaranku waa waxyaabah ugu muhiimsan ee dalku u baahanayahay . ilaahay mahadii weeyaan inaynu maanta ku faanayno wadooyinkeena aynu dalka u dhisayno iyo isgaadhsiinteena aynu horumarinayo , dawladuna waxa ay ka hagran doonta ma jirto ilaahayna waxaynu ka baryaynaa inuu inagu guuleeyo”

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Cali Ismaaciil Xuseen ayaa isna dhiniciisa u mahadceliyey qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) “Aniga oo kuhadlaya afka dawladda Somaliland, Waxaan uga mahadcelinayaa qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland taageeradooda joogtada ah ee horumarka Somaliland. Mashruuca waddadu waxa uu muhiim u yahay horumarka ganacsiga ee Somaliland iyo wadamada jaarka, gaar ahaan Itoobiya”

Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo dawladda Somaliland kaas oo socon doona muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo qorshaha shanta sanno ee dhinaca horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dawlada Ingiriiksa (DFID), hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA) iyo Dawladaha Norway iyo Netherlands.