Xaflad Qalin Jebin Ah Oo Loo Sameeyay Ardayda Ka Baxday Jaamacadda Hope

0
647

Picture5

Hargesa(Geeska)-Jaamacadaha Hope ayaa xaflad qalin jabin ah u qabatay dufcadii saddexaad ee baratay shahaadada labaad ee. Waxaana xaflad balaadhan oo loo qabtay ardaydan qalinjabinysay ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wasiirada warfaafinta Cabdilaahi Cuskuse,wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Mawliid Maxamuud Ibrahim, wasiiru dawlaha waxbarashada Axmed Nuur  iyo wasiirkii hore ee Kaluumaysiga Cabdilaahi Geeljire.

Ugu horyantii guddoomiyaha jaamacada Hope Prof.Najiib Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hanbalyeeyay ardayda qalin jabinaysay waxaanu ka warbixiyay tiradooda iyo waxyaabaha ay kala barteen, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Sida ka muuqata halkan  waa qalin jabintii toddabaad ee jaamacada Hope, waxa ay isugu jiraan qolyaha qalin jabinayaa Master  iyo Degree, oo qoladan Master-ta waxay noqonaysaa qoladii saddexaad ee qalinjibisa, wax kale oo ku jira laba arday oo Degree ah oo qaatay Public Administration. Waxa cusub oo cajiib ah  oo wax lagu daydo ah  inay qoysku is kaashan karaan oo waxbarashada iyo khayrka oo dhan ay wadaagi karaan, waxa qalin jabinaya Maxamed Cilmi (Ilka-case) iyo  xaaskiisa Nafiisa Yuusuf, waxaan kale oo aan jeclaan lahaa inay istaagaan Dr.Bashiir iyo xaaskiisa Dr.Jinaw, waa qoysas afar ah oo wax wada baranayay isna kaalmaynaayay.”

Guddoomiyaha jaamacada oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Maanta Master Programmes-ka idin hor fadhiya  waa uu ka duwan yahay kuwii hore  waana afar kooxood, waxaanay kala yihiin kooxahan Masterta qaadanayaa  Business Administration, Development Studies, International Relations & Diplomacy iyo qolada ugu danbaysa oo markii ugu horaysay dalka gudihiisa ku qaadnaysa darajada Master oo ah Public Health, ardayda  aan halkan shahaadooyinkooda ugu haynay ee ay ahayd inay qaataan waa 33, 26 waa reer Hargeysa, 7 waa reer Garoowe, laakiin ilaa sideed arday ayaa shaqooyin ku maqan, inta maqana hanbalyo ayaanu leenahay iyo inta joogto iyo inta ka soo qaybgashayba.”

Anwar Cabdikariin Warsame, oo  afka ardaydii qalin jabinaysay ku hadlayay ayaa isaguna dhankiisa  halkaas ka hadlay“Kalmada aan u soo kacay waxa weeye inaan siiyo jaamacadii aanu mudada wax ka soo baranaynay macalimiintii wax noo dhigayay,maamulkii jaamacada ee sida quruxda badan noo daadihinayay wakhtiyadii aanu waxbarashada ku jirnay iyo wakhtiyadii aanu imtaxaanka ku jirnayba, run ahaantii waxaanu odhan karnaa lama soo koobi karaayo da’daalkii aanu u soo marnay inaanu maanta halkan nimaadno, waxaanan rajaynaynaa in Alle ka yeelo waxan aanu barnay mid aanu ku anfacno dalkayaga iyo dadkayaga. Waxa kale oo aan halkan uga jeedinayaa qolada nagu xigta ah oo Masterta ka qalin jabinaya.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, oo isagu soo afmeeray xafladaas ayaa hanbalyo u diray ardayda qalin jabisay, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “Waxay maanta dhamaanteen inoo farxad ah inaan ka soo qaybgalnay xaflada qalinjabintii sadexaad  Master Degree-ga jaamacada Hope, waxaanay inoo tahay farxad inteena halkan isugu timi iyo ardayda qalin jabinaysaba, waa maalin taariikhda u gashay intaas qalin jabinaysay ee sida la sheegay ah waalidiinta noloshiina dhan kala halgamaayay waxbarashadana ku darsaday inay kordhistaan.waxaanan hanbalyaynayaa inta qalin jabinaysa iyo inta soo taageeraysayba, hanbalyo hanbalyo ayaan leeyahay.”

Ugu danbayntiina waxa halkaas uu madaxweyne ku xigeena Somaliland Cabdiraxmaan Saylici uu shahaadooyinkoodii gudoonsiiyay ardaydii kala duwanayd ee qaadanaysay shahaadada Master-ta iyo sida oo kale Degree-ga.