Xafiiska Jaaliyada Shiinaha Oo Hargeysa Laga Furay

0
612

Hargeysa (Geeska)-Wadanka Somaliland gaar ahaan Caasimadda ayaa si rasmiya waxa looga furay Xafiiska Jaaliyadda Dalweynaha Shiinaha ee Somaliland,waxaana Munaasibadii furitaanka ee Xafiiskan oo ka dhacday Amasadoor Hotel ka soo qayb galay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha, Safiiro, Wasiiro, Agaasimayaal, Aqoonyahano,jahliyada Shiinaha ee Somaliland ku sugan iyo marti sharaf aad u tiro badan.

ssssssss

 Gudoomiyaha Jaaliyadda Shiinaha ee Somaliland David,oo ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu Wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland oo qaban-qaabadda iyo soo diyaarinta hawshan door weyn ku lahayd u soo jeediyey amaan, waxa uu sheegay inuu Somaliland joogay in ka badan tobban sanno.waxa uu ka warbixiyey Xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyay Somalidda iyo Dal-weynaha Shiinaha,waxaana uu sheegay in markii ugu horaysay uu xidhiidh toos ah oo Ganacsi dhex-maray Somalidda iyo Shiinaha Muddo haatan laga joogo Lix boqol  oo sanno.

Dhanka kale waxa isna halkaas ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda,waxaana uu si faah-faahsan uga hadlay muhiimadda uu Labadda Bulsho u leeyahay xidhiidh ganacsi oo dhex-maraa waxaanu yidhi “ Xubnaha Ururka Ganacsatadda Dalka Shiinaha ee Somaliland waxa Waajib ku ah inay u hogaansamaan Shuruucda iyo qawaaniiinta u talla Somaliland,waana inay Ixtiraamaan Dhaqanka iyo Diinta Dadka reer Somaliland,kana wada shaqeeyaan waxii faa’iido u leh labadda Bulsho ee Labadda Waddan.Ururka Ganacsatadda Shiinaha ee Somaliland waxay bilaabi doontaa sidii ay si fir-fircooni leh ugala hadli lahayd Wasaaradda Somaliland heer walba oo ay yihiin sidii loo dabooli lahaa baahidda Horumarinta dhaqaale”.

Safiirka Somaliland  u fadhiya Dalka Shiinaha Ambasadoor .Cabdi  Maxamuud Saleebaan ( Mingiste) oo isna munaasibadaas ka hadlay ,ayaa waxa uu halkaas ka jeediyay Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa,taas oo kaga hadlay muhiimadda ay Somaliland u leedahay inay xidhiidh ganacsi oo toos ah la yeeshaan Ganacsatadda Dal-weynaha Shiinaha,waxaana uu si aad ah ugu dheeraaday sida uu  Shiinuhu ugu soo jeeddo in wax-la-qabsaddo Qaaradda,isaga oo Shirkii ugu danbeeyay ee uu la yeeshay Madaxda Qaaradda Afrika ugu yabboohay Lacag gaadhay 60 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah, waxaanu yidhi “Runtii sharaf bay ii tahay in aan  xafladdan Balaadhan idinkala soo qeyb-gallo ee ay innoo soo agaasimeen Jaaliyadda Shiinuhu. Dal-weynaha Shiinuhu,waa Dal aad iyo aad u balaadhan. Waa Dal hadda Dunidda muhiim ka ah. Waa Dal dhaqaalihiisu aad iyo aad u sarreeyo,waana dalalka maanta dunidda ugu horeeya dhinaca dhaqaalaha,siyaasadda iyo horumarka.Dalkaas isaga ah,waxaan qabbaa inaynu xidhiidh fiican la yeelanno aad iyo aad bay muhiim u tahay.Dhinaca kale haddaan ka eego,Dalka shiinuhu, waa dal maanta aad iyo aad u xiisaynaya Qaaradda Afrika,isla-markaasna maal-gallin balaadhan ugu tallo-galay Qaaradda Afrika.Heshiiskii ugu daneeyay ee dhex-mara Dalka Shiinaha iyo Qaaradda Afrika,Ilaa 60 Bilyan oo dollar ayuu ugu deeqay Qaaradda Afrika,taas oo uu ugu tallo-galay horumarinta qaaradda Afrika ee dhinacyadda kala duwan. Dalka shiinuhu waxa uu maanta xiiso weyn u hayaa inuu maal-gashaddo Qaaradda Afrika,innagguna waxaynu ku naalnaa Qaaradda. Sidaas daraateed,waxaan fillayaa inay muhiim tahay inaynu soo dhawayno,xidhiidh fiican oo sokeeyana la yeelano.

Dhinaca kale waxa uu Safiirku ka hadlay xidhiidhka wanaagsan ee Shiinuhu la leeyahay Somaliland, waxyaabihii kala duwanaa ee uu soo qabtay oo ay ka mid yihiin Biyo Shiinaha, Waddada Burco, iyo arimo badan, waxa kale oo uu ka war bixiyey Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalka Shiinaha.

Dhinaceedda,waxa iyana halkaas ka hadashay Faadumo Siciid  oo ku hadlaysay Afka Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI,Waxaanay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay  Dalka kusoo dhaweeyaan Jaaliyadda Dal-weynaha Shiinaha,taas oo door-weyn ka ciyaari doonta is-dhex-galka Labadda Bulsho  Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo iyana Munaasiibadaas ka hadlay ayaa ka war bixiyey safar ay ku tagay dalka Shiinaha, waxayna xustay in dalka Shiinaha kaga qayb gashay Shirweyne lagaga hadlayo arimaha Haweenka, waxayna Shiinaha ku amaantay dadaalka  iyo horumar uu gaadhay, oo ay sheegtayin Somaliland looga baahan yahay , Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda, Wasiirka Warshadaha iyo Wasiirka Beeraha  oo iyana halkaas ka hadlay ayaa ka xog waramay xidhiidhka u dhexeeya Shiinaha iyo Somaliland, xafiiskan laga furay Somaliland faa'iidadu uu u yeelan doono dalka, waxayna sidoo kale ugu baaqeen xubnihii Shiinaha ee halkaas joogay inay caalamka gaadhsiiyaan qadiyada Somaliland  Suldaan Cismaan Suldaan Madar iyo Caaqil Rashiid Jabiir oo iyana halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Wadanka Shiinaha, waxayna ugu baaqeen in dhaqaalaha iyo horumarka Somaliland iyo sidoo kale Ictiraafka Somaliland ka qayb qaatan , Ugu danbeyntiina waxa si rasmi ah loo daah-furay Xafiiska Jaaliyadda,waxaanu Munaasibaddii kusoo Idlaatay Jawi degan oo Farxad leh.