Xukuumada Oo Mawqif Adag Iska Taagtay Qorshe Ay Hay’ada ICAO Hawada Somaliland Ku Hoos Gaynayso Dawladda Sheekh Shariif

0
1940

 

250px-International_Civil_Aviation_Organization_logo.svgHargeysa(Geeska)-Xukumadda Somaliland ayaa si adag uga hortimid qorshe ay wateen masuuliyiin ka tirsan hay’adda   Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka duuulimaadyada ee ICOA, kuwaas oo shalay safar ku yimid Hargeysa.

 

Guddigaas, ayaa waxa ay kulan la yeesheen masuuliyiinta wasaaradda duulista iyo hawada oo uu horkacayay wasiirka wasaaradaas  Md. Maxamuud Xaashi Cabdi. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ujeedada socdaalka guddigani salka ku hayay laba qodob oo kala ah inay qiimeeyaan sida uu mashruuca ICOA  u shaqeeyo iyo weliba inay sahamiyeen inay suurtogaltahay in maamulka xafiiskaas oo tan iyo sannadkii 1996-kii degenaa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya islamarkaana ay Qaramada Midoobay gacanta ku haysay lagu wareejiyo dawladda Sheekh Shariif, xafiska Nayrobina Muqdisho loo raro. Laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrikau xaqiijiyay in masuuliyiinta wasaaradda iyo duulista hawadu u cadeeyeen inaanay Somaliland marnaba aqbali doonin in hawadeeda laga maamulo magaalada Muqdisho, maadaama oo ay xorriyadeeda go’aan shacab kagala soo noqotay dalkaas Somaliya.

Weftigan ayaa jimcihii toddobaadkan hore u soo maray magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya, waxaanay wararka qaar sheegayaan in safarka guddigan oo ka soo kicitintay magaalada Montreal  ee dalka Kanada oo ay xaruntoodu ku taalo, uu ka dambeeyay ka dib markii ay dawladda Sheekh Shariif dhawaan ka codsatay in lagu soo wareejiyo maamulka hawada wixii la isku odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ka mid tahay.

Inkastoo uu weli wada hadal u socdo Somaliland iyo guddiga ay hay’adani soo dirtay, haddana talaabadan ayaa ka mid ah hadimooyinka ay Qaramada Midoobay ku hayso aayo ka tashiga umadda reer Somaliland oo ah in dalkoodu ka madaxbanaanaado Somaliya.