Xaaskiisa Oo Uur Leh Ayuu Beer Aanu Lahayn Xabbad Tufaaxa Uga Jaray, Lacag Qiimaheedii U Dhigmana Uu Geedkii Saaray, Muxuu Kaga Jawaabay Ninkii Beerta Lahaa?

0
907

Istanbul (Geeska)- Sunaar Kaya, oo ah nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Turkiga waxa uu ku shaqaystaa Tagsi uu isaga safro magaalooyinka Istanbul iyo Bursa, maalin maalmaha ka mid ah oo uu shaqadiisa ka sooo noqday, ayaa uu ag istaagay mid ka mid ah beeraha jidka hareertiisa ku taxan oo aanu garanayn ninka leh, kadib midhadh khudrad ah inta uu ka goostay ayaa uu dul dhigay geedkii warqad yar oo uu ku qoray, “Ciid Wanaagsan, waxa aan codsanayaa, in aad iga cafidaan midhadh khudrad ah oo aan beerta uga gooyey xaaskayga oo uur leh, iyo lacag ah 5 Liiro oo lacagta dalka Turkiga ah una diganta Hal doolar iyo badh, laakiin marnaba ma’ uu filayn in warqaddaas iyo lacagtaasi ay noqon doonaan qiso warbaahinta Turkiga iyo kuwa caalamka qaarkood ay iska si xigtaan oo meelo badan ku baahda.

Wargeyska Xorriyeyt ee dalka Turkiga oo baahiyey warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegay in mar dambe uu Sunaar ku soo noqday ninkii beerta lahaa isaga oo ka codsanaya in uu ka cafiyo midhaha uu fasax la’aanta kaga goostay beertiisa, isla markaana uu soo hubiyo in uu helay lacagtii iyo farriintii. Cali Karaatakin oo ah ninka beerta iska lahaa ayaa isaga oo arrintan ka sheekaynaya sheegay in illaa hadda uu rumaysan kari la’ yahay waxa dhacay, waxa uu sheegay in beertiisu maadaama oo jidka hareertiisa ay ku taallo ay aalaaba dhacdo in dadku ay iska gurtaan fasax la’aan, hadda ka horna aanu arag qof inta uu midho ka goostay haddana sida Sunaar lacagta iska bixiya raalli gelinna siiya. Mulkiilaha beertu waxa uu sheegay in warqadda yar iyo lacagta uu bixiyey Sunnaar uu ka dhigi doono xasuus oo inta uu fareem geliyo uu meel dhigi doono si ay taariikh waarta u noqoto, tusaalena uu ugu qaato qof kasta oo hadda kadib beerta in uu xado damcaa.

Dhinaca kalana Sunaar oo arrintan ay warbaahintu wax ka weydiisay ayaa yidhi, “Ma’aan doonayn in ilmahaygu isaga oo aan dunidaba iman uu cunto xaaraan ah quuto” ganacsato kala duwan iyo masuuliyiin dawladeed oo tiro badan ayaa ay arrintani aad u soo jiidatay marar kala duwanna Sunaar ugu yeedhay in uu tusaale u noqdo muwaadinka nadiifta ah ee xalaal miiradka yaqaan.