Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Digay Dib U Dhac Ku Yimaadda Doorashada, Kana Hadlay Sida Uu U Arko In Xal Looga Gaadhi Karo Saami Qaybsiga Kuraasta Wakiillada

0
1010

Hargesa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiilada kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee  Waddani  ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada somaliland oo mar kale hortaala madaxweynaha si uu go,aan uga gaadhayo.

1

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay af gambigii fashilmay ee Turkiga iyo saameynta uu ku yeelan karo wadda haddalada somaliland iyo somaliya, isaga oo soo jeediyey in gabi ahaanba wadankasi laga wareejiyo wada hadalada, waxaanu ku taliyey in la geeyo wadanka Ingiriiska isaga sidoo kale  digay inay Doorashadu wakhtigeeda dib ugu dhacdo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ugu horayn ka hadlaya warar laga baahiyey oo sheegaya in isaga iyo siyaasiyiin ay isku deegaan yihiin shir ku kala kaceen hogaanka xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Warka meel alaale meel laga keenay garan maayo, maalintii ay qoreen (Warbaahinta qaar) aniga iyo Cabdiraxmaan Cirro qadadii waxaanu ku wada lahayn Ambasadoor, waanu wada qadaynay si wanaagsana waanu ku kala tagnay, arimo badana waanu ka wada hadalnay,waxaana arimahaas ka mid ahaa xaalada uu dalku marayo, hawlaha Barlamaanka iyo arintaas lafteedaba waanu ka wada hadalnay,  arintani wey socotaa  oo gunaanadkeeda  oo qudha ayaanu sugaynaa, wanaag iyo is af-garadna waanu ku kala tagnay, Cabdi Haybena dalkaba ma joogo, Suldaan Cumarna ismaanu arag, marka warkaas meesha ay ka keeneen iyo waxa laga dan leeyahay midna maan garan, Warbaahintana waxa aan leeyahay wararka noocaas oo kale ah ee aan waxba ka jirin, ka feejignaada, oo iska ilaaliya".

Xidhibaan Cabdiqaadir Jirde mar aanu weydiinay aragtidiisa ku waajahan xal u helida saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada somaliland ayaa waxa uu ku jawaabay "Anigu waxaan ka mid ahay  Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgelyada ee Golaha  Wakiilada, Gobolada oo dhan ayaanu soo marnay  waxaanu la kulanay 150  qof oo ka kooban qaybaha kala duwan ee Bulshada, marka Gobolada oo dhan la isku wada geeyo, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Maamul, Haween, Ardayda Jaamacaddaha iyo wax-garadkaba, muqaalna waanu ku soo duubnay, markaas marka aanu aragnay in aad loogu kala fog yahay arintaas saami qaybsiga, waxaanu qornay  warbixin kooban, oo nuxurkeeddu ahaa inuu Madaxweynuhu talo qaran iskugu yeedho cida ay hawshani khusayso, markaas anaga taladayadii ayaa sidaas ahayd, umana aragno arin uu Gole qudhi xalin karo, uma aragno in Axsaabta oo qudhi xalin karaan, taladda qarana cidbaa u cumaamadan waana, Axsaabta isaga ayaa u Madaxweyne ah, Golayaasha isaga ayaa u Madaxweyne u  ah Gobolada isaga ayaa  Madaxweyne u  ah, cida qudha ee talo qaran ka soo jeedin karta marka uu dhagaysto darafyada oo dhami waa Madaxweynaha, marka waxaanu jecel nahay inuu Madaxweynuhu ku dhiirado oo uu talo qaran ka keeno, taladdaasna marka la isla qaato in la galo dariiqii loo sharciyeyn lahaa  oo Barlamaanka iyo Golayaasha ayaa la marinayaa, marka waxaan leeyahay waa daw inay halkaas ka soo bilaabto oo ay Madaxweynaha ku noqoto oo isagu talo qaran ka keeno marka uu dhegaysto cid ay khusayso oo dhan".

Xildhibaan Cabdiqaadir jirde isaga oo ka hadalkiisa sii wata ayaa waramay  xaalada uu dalku ku jiro, waxaanu soo jeediyey inay doorashooyinku wakhtigooda ku dhacaan  "Somaliland maanta marxalad  kala guur ah ayey taagan tahay, Koonfurtiina hawlo ayaa ka socda oo waxba loo dhisayaa  oo loo nab-nabayaa, waxaan ku talinayaa inay Doorashooyinkeenu  si salmiya oo wanaagsan inoogu dhacaan  oo shuruucdeena la dhamaystiro oo aanay wakhtigeeda dhaafin,waana in cid walba oo ay khusayso xil iska saaraan,  haddii ay Axsaabta tahay, haddii ay Odayaasha Qaranka tahay, haddii ay guddida doorashooyinka tahay iyo hay’addaha kale ee dawlada, haddii aynu wakhtiga ka faa'iidaysan weyno waa dhibaato  maxa yeelay  Somaliya dawlad baa loo dhisaaya  ee Dawlad adag oo dawladaas ka hor tagta oo Doorasho xor iyo xalaal ku soo baxda iyo Golayaal la doortay ayeynu kaga hortaagaynaa durafahaa iyo mawjahadaas soo socda".

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka jawaabaya su,aal aanu waydiinay oo nuxurkeedu ahaa saamaynta afgambigii fashilmay ee dalka Turkigu ku yeelan karo wadda haddada somaliland iyo somaliya ayaa waxa uu ku jawaabay "Dawladda Turkigu iyadaa imika isku mashquulsan oo hawlo badan oo uu waday oo ahaa mashaariic  ama waxyaabo badan oo uu lug ku lahaa wuu ka gaabinayaa ilaa uu sal dhigto, ilaa uu hawlahaas ku soo kordhay uu hagaajinayana uma malaynayo inuu wada hadalada galayo, mana haboona in Turkigu wada hadaladaas gacanta ku hayo waxaanan soo jeedinayaa in laga wareejiyo oo dawladihiii awalba bilaabay oo Ingiriisku ka mid ahaa dib loogu celiyo.” Ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji ismaaciil Jirde.