Xaaladii Shalay Ee Xayndaabka Maxkamada W/Q Baashe Yuusuf Axmed

0
628

Habeen hore ayaan qorshe-hawleedkayga qodobka koowaad ka dhigtay kaqaybgalka garmaqalka dacwada Maxamed Sidiiq Cabdilahi (Dhamme) iyo Yonis Axmed Yonis oo ka fumaysay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex.

Abaaro 8dii subaxnimo  ee shalay ayaan gaadhay xarunta maxkamada. Goobta waxa ku sugnaa xubno ka mid ah Xisbiga WADDANI. Waxa iyana maxkamada la keenay saraakiisha u xidhan arrinta siyaasiga ah.

Gar-maqalku wuxuu ahaa mid furan. Cid kasta oo daynaynaysa ka qaybgalkeeda waa loo ogolaa. Tani waa mid sharcigu jideeyay Garsooruhuna u hogaansamay. Ku dhowaad 9 subaxnimo ayaanu fadhiisanay qolka dhagaysiga dacwada. Waxa ku jira saraakiisha xabbisan oo qalwo shabag ah ku jira. Wajigooda, farxad, dhiirranaan iyo kalsooni badan baa ka muuqatay. Waxay

yaqiinsanaayeen, in xaqu baaqi noqonayo dulmiga dumayo. Waxay rajo iyo cadaalad ka qabeen walina ka qabaan garsoorka dalka iyo xaakimka dacwada qaadaya.

Qolka dacwada waxa ku sugnaa Qareenada difaacaya Maxamed iyo Yonis, madaxda Xisbiga, dadwaynaha kale iyo tiro ciidanka bilayska ah oo uu horkacayo Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargeisa Md Maxamed Case. Intaanu Garsooraha iyo Xeer Ilaalintu soo galin; Taliyuhu wuxuu handadaad iyo hanjabaad ka bilaabay isla hoolkii dhagaysiga dacwada loo fadhiyay. Wuxuu u hanjabay xubno ka mid ah saraakiisha Xisbiga oo u sheegay in uu raadinayo talaabana ka qaadi doono. Cabdilahi Daamur oo ka mid ah ragga uu hanjabayo ayaa u sheegay in aan sharciga qofna ka sarayn haddii Bilaysku ilaalin waayana aanay cid kale ilaalinayn. Taliye Maxamed, arrintaasi waxay u noqotay meel aan rabay roob maygu da’ay. Wuxuu dacad ku maray in marka banaanka uu u soo baxo aanu nabad ku hoyan doonin. Hadda garo, goobtu waa hoolkii dhagaysiga dacwada oo garsoorihii uuni ka maqan yahay. Maxkamada badhtankeedii baa laysku handadayaa oo layskugu awood sheegayaa.

Galimaayo dhagaysigii dacwada iyo dhagaysigii maragyada balse maxaa dhacay markii fadhigii dhagaysiga dacwadu dhammaaday?

11:45 subaxnimo ayaa la xidhay fadhigii maxkamada, qorshaha kummaanu darsan hanjabaadii iyo hadidaadi Taliyaha. Dhinaca kale, Isagu wuxuu diyaarsaday ciidan xoog u hubaysan. Waxay katiinado isla taageen isla albaabkii qolka dhagaysiga dacwada. Axmed Safiina oo malaha Cabdilaahi ula ekaatay kana soo cag horeeyay ayaa katiinadihii lala boobay. Nasiib wanaagse, uma suurto galin in ay ku xidhaan, mar dambe ayayse ogaadeen in aanu Cabdilaahi ahayn.

Waxa loo diyaargaroobay soo bixitaanka Cabdilahi, tiro toban ka badan oo askar ah ayaa Cabdilaahi gacanta saaray oo katiinadeeyay. Intayadii is tidhi arrinka dhexgalana rasaas baa oodda nalagaga qaaday. Nasiib wanaag, xabbadu cidna kuma dhicin, Alle ayaa mahadaas leh teelose nalooma dhigan. Qaarkayo qori dabadii baa lala dhacay oo hadda dhakhtarka ayay yaalaan, Cabdilaahi Daamurna xukuumada iyo ciidankeeda ayuu afduuban yahay, raggii hore u afduubnaana sidii ay ugu xidhan yihiin.

Xaalku wuxuu u eg yahay in Xukuumada iyo Xisbigeeda Kulmiye ku talo-galeen in sharciga la laalo dalkana loo badalo dal qori loogu taliyo. Qoriga iyo diktaatooriyadu waa tii aynu ka dagaalanay. Waa tii dumisay dawladii awooda badnayd ee aynu ka midka ahaan jirnay.

Haddii aan lagu soo noqon xaydaabka sharciga iyo isku-xukunkiisa isla markaana aan la dhowrin xuquuqda muwaadinka iyo madaxbanaanida garsoorka meel fog baa laga daydayi.

Baashe Yuusuf Axmed, Chief of staff-ka xisbiga Waddani