Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaal

0
579

Kuuriyada waqooyi ayaa griday  gantaal kale oo ah nooca Ballistica , Saacado uun kaddib markii xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka Rex Tillerson uu ku baaqay in si adag loo wajaho xukuumada Kim Jong-un.

Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in tijaabada gantaalka Kuuriyada Waqooyi uu guul daraystay .

Madaxweyne Trump ayaa isna ka hadlay gantaalkan ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi, Waxaana uu sheegay in taasi ay ixtiraam daro ku tahay wadamada gobolka, gaar ahaan dalka Shiinaha.

Tillerson oo ka hadlayay xarunta Golaha Ammaanka ee Qaramada Middoobay ayaa sidoo kale ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii caalamka uu ku guul dareysto in uu tallaabo ka qaado Kuuriyada Waqooyi.

Balse dalal ay kamid yihiin Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka soo horjeestay in talaabo milateri loo adeegsado xukuumada Pyongynag, Waxaana ay ku baaqeen in wadahadalada ku aadan arrintaasi dib loo bilaabo.

Arrintani ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu markale ka digay in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriyada Waqooyi, kaasoo salka ku haya hubka nukliyeerka ah.

Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inuu doorbidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab diblomaasiyadeed, Balse ay adag tahay in laga guul gaaro.

Inkastoo la sheegayo in labadii tijaabo ee ugu danbeysay gantaalada Kuuriyada Waqooyi lagu fashilay, haddana tijaabooyinkan ayaa ah kuwo ay ka kororsadaan macluumaad dheeraad ah oo ay sare ugu sii qaadaan aqoontooda gantaalada, iyadoo yoolkoodu yahay inay helaan gantaal dhameystiran oo xambaari kara hubka Nikliyeerka oo tiiradiisu gaari garto dalka Maraykanka.