Magaalada Kismayo ee dalka Somaliya ayaa la sheegayaa inay ciidamada Al-Shabaab iskaga baxeen, ka dib markii ay magaaladaas culays saareen ciidamada AMISOM ee Kenya oo uu ku tallo galkoodu yahay qabsashada magaaladaas oo muhiim u ahayd Al-Shabaab.
Dadka magaalada qaar ka mid ah ayaa warar is-khilaafsan ka sheegay xaaladda magaalada.qaar waxay sheegeen in xaaladu degan tahay oo goobaha ganacsiga,sida bakhaarada,xawaaladaha iyo makhaayaduhu ay sidoodii u furan yihiin,hase ahaatee qaar kale waxay leeyihiin magaaladii waa laga qaxayaa oo cabsi darteed ayaa dadku u qaxayaa tuulooyinka..iyadoo ka baqaya haddii magaalada la isugu soo galo waxa dhici kara.
Laanta UN u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in dhowr kun qof ay ka carareen magaalada kismaayo maalmihii la soo dhaafay. wakiilka UNHCR ee somalia Bruno Geddo ayaa uga waramay BBC dadkii ka qaxay kismaayo iyo halka ay u carareen oo ku tilmaamay dhinaca duurka miyiga iyo in maalin kasta ilaa qof ka qaxaan magaalada.