Hargeysa (Geeska)-Dacwada ku socota Wargeyska Haatuf, ayaa u muuqata inay samayn ku yeelatay sumcadii ay Somaliland ku lahayd Dibada. Dacwadan oo ku socota Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo isagu hadda ku jira Xabsiga iyo Tafafiraha Haatuf Axmed Cali Cige, ayaa waxa aad loogu hadal hayaa Warbaahinta Bulshada, iyada oo ay qaada dhigayaan, dadka u go’ay arimaha xuquuqul isaanka iyo xoriyada hadalka, waxaana dadkaas oo ajaanib u badan, hadalada ay qorayaan lagala soo dhex baxayaa, in Sumcadii Somaliland ee Dumqraadiyadu ay helis ku jirto, madaama oo ay dhawaan ururada Saxaafadda Somaliland baahiyeen inay helisi soo waajahayda xoryadii hadalka Somaliland, marka loo eego sida ay xukuumadda Somaliland saxaafadda u baacsato.
Waxyaabaha kale ee sii diiiriyey arintan waxa ka mid ah dooda Yuusuf Cabdi Gaboobe ee ah in madaama oo laga diiday in laga badalo Garsooraha islamarkaana dacwadiisa loo adeegsan waayay xeerka saxaafadda uu isna go’aansaday in aanay Qareenadiisu difaacin, mar haddii sida uu ku doodayo uu waayey Garsoor dhex ah.
Sidoo kale masuuliyiinta Somaliland ee dibadda u baxa ayaa arrinta ugu badan ee lagala hadlaa waxay tahay dagaalka ay xukuumadu ku hayso warbaahinta xorta ah.
Si kastaba ha ahaatee xadhiga iyo xariyaada ee Wargeyska Haatuf iyo Wargeyskii ka horeeyey ee Hubaal ayaa waxa ay dhaawac u geysanaysaa Sumcada Xukuumadda Somaliland, waxaana xusid mudan in guud ahaan qeybaha kala duwan ee Arimaha Bulshada, Xisbiyada Mucaaradka ah, Aqoonyahanada iyo dadka indheer garadka ahi, Wadamada Beesha Caalamka ay aad u dhaliileen falkan lagu xidhay labadan Wargeys iyo Xadhiga lagula kacay suxufiyiinta.