Xaaladda Dhaqaale Ee Dalka Oo Liidata Iyo Wasiirada Oo 70% Mushaharkoodii korodhsaday

0
817

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa golaha wakiilada ka codsaday inay ansixiyaan mushahar kordhin laban laab ah oo uu u sameeyay xubnaha golihiisa wasiirada, marka loo eego mushaharkii ay hore u qaadan jireen. Waxaana qoraal lagu dalbanayo ansixinta mushahar kordhintan ay madaxtooyadu u gudbisay golaha wakiilada Somaliland.

Golaha wasiirada Somaliland ayaa hore u qaadan jiray lacag isugu jirtay mushahar iyo guno oo isku noqonaysay afar milyan iyo sideed boqol oo u dhiganta $ 800 (Siddeed Boqol oo Dollar), waxaanu Madaxweynuhu mushaharka wasiirada imika ka dhigay 8,100,000 (Siddeed Milyan iyo Boqol Kun) oo u dhigmaysa $ 1350 (Kun saddex boqol iyo konton Dollar). Waxaana halkaas ka cad in Madaxweynuhu xubnihiisa golaha wasiirada musharkooda u kordhiyay 70% (Boqolkiiba toddobaatan).  Sidoo kale agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ayaa iyagana loo kordhiyay guno xileedkooda oo laga dhigay 3,000,000 (Saddex Milyan) oo noqonaysa $ 500 (Shan boqol oo Dollar), waxase intas u dheer mushaharkoodii caadiga ahaa. Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo ku xigeenadiisa ayaa iyagana mushaharka loo kordhiyay.

Mushahar kordhintan ayaan la garanayn qorshaha lagu saleeyay, maadaama oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hore u cadaysay inay dhaxashay xaalad dhaqaale oo adag iyo weliba iyadoo ay hadda xaalad dagaal oo kharashkeeda wadataa ka soo korodhay gobalada bari ee dalka. Sidoo kale ma jiro dhaqaale uu dalku helay oo soo kordhay oo lagu saleeyay mushahar kordhintan. Waxaanay dad badan oo ka mid ah bulshada Somaliland la yaabeen go’aanka cusub oo la sheegay inay golaha wasiiradu ansixiyeen shirkoodii u dambeeyay.

Si kastaba ha ahaate dad badan oo arrimaha dhaqaalaha aqoon u leh ayaa aaminsan in mushahar kordhintan gaar ahaan kordhinta wasiirada oo u dhow laban laab in lagu deg degay. Waxase la eegi doonaa go’aanka ay golaha wakiiladu ka qaataan.