Hello Madaxweyne; Kala Ilaali Ciidanka Qaranka Iyo Siyaasadda, By: Geeska Afrika Staff Writer

0
689

siilaanyo22Hargeysa(Geeska)-Sida la ogyahay dawladda Somaliland waa mid rayid ah oo ay kala madaxbanaan yihiin ciidamada qaranka iyo siyaasadu, waxaanay haddana labaduba hoos yimaadaan Madaxweynaha . Waa labadiisa gacmood ee midig iyo bidix, taas macnaheeduna waxa weeyaan inaanay kala maarmin, waxase laga digayaa inay is gaadhaan. Halkaasna waxa ka muuqanaysa inay ciidamada iyo siyaasadu kala madaxbanaanyihiin.

Ciidamada qaranku waa cudud ay umadda Somaliland ku faanto oo si laxaad leh u dhisantay mudadii siddeeda sannadood ahayd ee uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin xilka hayey, sababaha ay ciidamadu u quwadaysteenna waxa ugu weynaa iyadoo la kala ilaaliyay siyaasadda iyo ciidamada, kuwaas oo haddii ay is dhex galaan  keeni kara khataro badan. Dad badan oo arrimaha milatariga khubaro ku ah ayaa la yaabay wefti ka koobnaa saddex wasiir oo laba toddobaad ka hor booqday ciidamada qaranka ee ku sugan Buhodle, waxaanu safarkoodu ku beegmay maalin ka hor dagaal halkaas ka dhacay. Sida la ogyahay wasiiradu waxa ay Madaxweynaha u qaabilsanyihiin siyaasadda iyo horumarka, waxaanay gobalada dalka u tegi karaan hawlaha horumarka iyo siyaasadda, laakiin inay ciidamada qaranka u tagaan shaqadooda maaha, waxaana madaxweynaha ciidamada uga wakiil ah taliyaha ciidanka maadaama oo uu Madaxweynuhu yahay taliyaha guud sida uu distoorku dhigayo, wixii hawlo ciidan ah ee weliba arrimo dagaal la xidhiidhana waxa Madaxweynaha uga wakiil ah taliyaha ciidanka, wasiiraduna waa siyaasiyiin iyo maamul. Xataa wasiirkeena gaashaandhigu nidaam ahaana waa masuul rayid ah sida uu  gaashaandhiga ee Somaliland wuxuu distoorku dhigayaa inuu noqdo masuul rayid ah oo masuuliyadiisa ugu weyni tahay  arrimaha maamulka, dhaqaalaha iyo horumarka ciidanka.

Waxa iyaduna wax lala yaabo ah in xubno wasiiro ahi tagaan talisyada ciidamada qaranka ee Hargeysa iyadoo la sheego inay booqdeen amaba soo kormeereen. Hadda la soco marka ay wasiiradu taliysyada ciidamada tagayaan Madaxweynihii oo taliyihii guud ahi wuu joogaa wadanka. Tusaale ahaan markii uu Arbacadii dhacay dagaalkii Buhodle waxa la sheegay inuu taliska ciidanka qaranka ee Hargeysa tagay Madaxweyne xigeenku. Taasi waa shaqadiisii, sababtoo ah wuxuu ahaa sii hayaha xilka Madaxweynaha maadaama oo uu Madaxweyne Siilaanyo safar dibadda ah ku maqnaa, waxaana awoodaas siinaya distoorka qaranka, laakiin ma jirto meel uu distoorku awood ku siiyay inay wasiiradu ciidamada dhex galaan.

Si kastaba ha ahaate Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa la gudboon inuu kala ilaaliyo ciidamada iyo siyaasadda, islamarkaana uu hawlahooda shaqo u kala xadeeyo sida uu distoorkuba ugu kala waajibiyay. Siyaasadu waxa ay dabada ku wadataa maamul, maamulkuna wuxuu noqon karaa mid toosan iyo mid qaloocan, ka qaloocaa wuxuu dabada ku wadan karaa qabyaalad iyo musuqmaasuq. Madaxweyne talada ku darso labadan cudur haddii ay dhex galaan waxa ay halis ku yihiin ciidamada qaranka.