Wasiir Maxamed Xaashi Oo Beeniyay Inuu Is Casilay

1
540

30200_108462042530988_108233335887192_57090_7459055_nHargeysa(Geeska)-Wasiika Maaliyadda Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa beeniyay warar shalay si weyn suuqa u soo galay oo sheegayay inuu is casilay.

Barqadii shalay ayaa waxa magaalada Hargeysa soo galay warar xoog badan oo sheegayay in Wasiir Maxamed Xaashi, Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay warqad istiqaalad ah, iyadoo ay wararku intaas ku darayeen in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu isna ka aqbalay. Hase yeeshe Wasiir Maxamed Xaashi, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa beeniyay jiritaanka warkaas, waxaanu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn, “Warkas sheegaya inaan is casilay waxba kama jiraan oo shaqadaydii caadiga ahayd ayaan iska wataa cid aanu wada hadalnayna ma jirto, xumaan iyo dhibaato kalena ma jirto. Markaas waxaan kuu xaqiijinayaa in warkaasi yahay mid been ah.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas raaciyay inuu isaga laftiisu warkaas maqlay, “Aniga laftayda waa la I soo weydiiyay oo waan ka yaabay dadka warkaas faafiyay iyo halka ay ka keeneen, laakiin runtii maaha war jira oo waa been abuur.”

Wasiirka oo la weydiiyay xilliga uu golaha wakiilada horkeenayo miisaaniyadii sannadka 2012, waxa uu sheegay inuu khamiista toddobaadkan golaha wasiirada horgayn doono, ka dibna golaha wakiilada loo gudbin doono, “Miisaaniyadii waxaanu ku wadnaa inaanu Inshaalah khamiista gayno. Waxaanu sugaynay waxyaabo yar yar oo naga dhinaa, iyagana waanu soo dhamaysanay, markaas waxaanu ku wadnaa inaanu khamiista golaha wasiirada horgayno.” Ayuu yidhi.

Maxamed Xaashi Cilmi, oo la weydiiyay inta ay miisaaniyadda sannadkani leegtahay iyo inay ka badantahay tii kal hore wuxuu yidhi, ‘Waa inay ka badataa maxaa na dhigaya halkii hore, cashuuro badan oo aanaan qaadin ayaanu Inshaalah isleenahay aad ku dartaan.”

Comments are closed.