Xaaladda Caafimaad Ee Sheekh Aadan-Sune Oo Weli Taagan Iyo Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Xil Iska Saarto Caafimaadka Sheekha

0
1234

Hargeysa(Geeska)-Waxa weli taagan xaaladda caafimaad ee Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Warsame (Aadan-sune), oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in lagu sameeyo qaliin deg deg ah si loo dabiibo bog dilaaca ku dhacay.

Laakiin dhawr maalmood ka dib wuxuu weli Sheekh Aadan ku jiraa xabsiga Hargeysa oo markii baadhista la sameeyay dib loogu celiyay, lamana garan karo goorta ay dawladda Somaliland u ogolaan doonto in lagu sameeyo qaliin caafimaad.

Garyaqaan Guuleed Dafac, ayaa dawladda ugu baaqay inay gudato waajibaad ka saaran in Sheekhu helo adeega caafimaad ee uu u baahanyahay. “Qof kasta oo xidhan oo daryeel caafimaad u baahdaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo. Haddii Shiikh Aadan Sunne u baahan yahay daawayn caafimaad, dawladda waa ku waajib inay siiso. Waa xuquuq aasaasi ah. Caafimaadka qofka iyo ilaalinta noloshiisa ayaa mudnaanta koowaad leh. Taas waxa dheer in dawladda looga baahan yahay inay ogolaato in baadhis madax banaan lagu sameeyo cabashooyinka la xidhiidha sida loola dhaqmay.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac.

Qoyska Sheekh Aadan, ayaa ku celcelinaya baaq ay ku dalbanayaan in Sheekha loo ogolaado inuu helo adeega caafimaad ee uu u baahanyahay, mana jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay wararka ku saabsan xaaladda Caafimaad ee Sheekh Aadan-sune, laakiin waxa  socda dedaalo lagu doonayo in dawlada lagu qanciyo inay ogolaato in Sheekhu helo adeega caafimaad.

Dhawr goor ayay dhallinyaro iyo bulsho kaleba Madaxweyne Biixi ugu baaqday inuu cafis Madaxweyne ku sii daayo Sheekha oo ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ku xukuntay 5 sannadood oo xadhig ah. Waxa kale oo ay maxkamadu xukuno kala duwan ku riday dhallinyaro tiradoodu gaadhayso 18 oo lala xidhay Sheekh Aadan-sune.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here