“Xaal Baan Siinayaa Xuseen Axmed Caydiid”Siyaasi Jamaal Xuseen Hurre

0
567

Madaxweyne way muuqataa in gurigii dhaqaalaha qoysku (womens club) uu ka mid noqday hantida ganacsi e qoyskaaga. 

    

Haddaba madaxweyne iyado aad ku dhawaaqday dhowr toddobaad ka hor in ay hawlgalaan hayadaha hantidhowrka xeer ilaalinta iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga oo ahayd talaabo horumar mudada kala guurka nasiibdaro waxa markiiba is casilay Gudomiyihii hay-ada la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga oo farta ku fiiqay sababtii u isku casilay isago cadeeyeyna Musuqmaasuq baahsan jiro taasina welwel abuurtay.              

Haddaba madaxweyne bal dib u eeg dastuurka qodobkisa 85 faqrqadiisa koowaad oo dhigaysa uma banaana madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo marwooyinkooda in ay galaan ganacsi mudada xilkooda taas oo hoteelka ganacsi yahay dhulkii womens club-kana waxa lagu kordhiyey goobtaas ganacsi ee qoyskaaga.  Waxa kale oo aan cambaaraynayaa masuuliyiinta kala duwan ee ka tirsan xukuumadda ee weerarka aflagaada ah ku soo qaaday Xuseen Axmed Caydiid. Ma waxa laga gubnayaa runta iyo xaqiiqada uu ka hadlay Xuseen Axmed Caydiid. Xaal baan siinayaa Xuseen Axmed Caydiid, waanan ka raaligelinayaa hadaladaas gefka iyo garadarada ah.

Jamaal Xuseen Hurre, xoghaye-xigeenka amniga ee xisbiga Waddani