Farmaajo Oo Safarkiisii Itoobiya Ka Dib Tagaya Masar

0
515

Qaahira(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay casuumad rasmi oo uga timid madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Sisi oo lagaga codsay inuu booqdo Magaaladda Qaahira

Casuumada waxaa gacanta ka saaray madaxweyne farmaajo, Ra’iul Wasaaraha dalka Masar Sherif Ismaaciil oo ka qaybgalay shirkii arrimaha Soomaalida ee maalintii khamiistii lagu soo gabagabeeyay Magaaladda London.

Wakaaladda wararka ee dalka Masar ee MENA ayaa soo warisay in Madaxweyne farmaajo  sidoo kala ka mahadceliyay taageerada Bani’aadanimo ee dowladda Masar ku yaboohday , taasi oo loogu talagalay dadkii abaaraha ku waxyeeloobay,

Intii uu socday shirka London, Ra’isulwasaaraha Masar iyo madaxweynaha Soomaaliya waxay yeesheen kullan gaar ah oo ay kaga wadahadleen xidhiidhka labada wadan iyo sida dowladda masar u caawin karto dowladda Soomaaliyeed dhinaca horumarinta iyo la dagaalanka argagixisada.

Ra’isul Wasaare ismaaciil wuxuu u soo bandhigay madaxweynaha soomaaliya fursado dhowr ah oo ay ka mid tahay ganacsiga iyo maalgashiga sida beeraha, macdanta, shidaalka, Gaaska, xoolaha, kaluumaysiga, dhoofinta hilibka iyo dhinac waxbarashada.

Casuumadan Qaahira ayaa imanaysa ka dib socdaalkii uu Mr. Farjaamo ku tagay Addis Ababa horaantii bishan.