Xaaji Cabdi Waraabe Oo Sheegay In Golaha Guurtidu Ka Gaabiyay Xiisadda Ka Jirta Gobalka Awdal

0
518

cabdiwaraabeHargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha gudida joogtada ah ee aqalka golaha guurtida Somaliland Xaaji Cabdikariim Xusseen(Cabdi Waraabe), ayaa cadeeyey in aan xukuumadu ka talo siinin golaha guurtidu in wax ka qabtaan arrintii Suldaan Waber. Waxaana uu sheegay in ay ka guurti ahaana ay arrintaasi sahashanayeen balse ay hada u diyaar yihiin in ay waxii hawl ah ee hada baaqdey ay wax ka qaban doonaan.

Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horeyn uu tilmaamey kaalinta muhiimka ah ee gobalka Awdal uu kaga jiro qaranka Somaliland, isaga oo tibaaxay in Boorama ay tahay meeshii ay Somaliland ka dhalatay.

"Waa run waanu ka gaabiney umaanan dadaalin, waanu sahalsaney, Boorama maaha daabiyad yar, waa kursigii ay dawladoo dhami ku fadhidey, waa halkii ay dawladu ka dhalatay ee ay ka bilaaban tay, fudeydkii iyo duul duulkii daabiyadaha kale laguma wado, maskax,miyir iyo maalba waa halkii ay dawladu ka aas aasan tay”Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe. Xaaji Cabdikariim Xusseen(Cabdi Waraabe), oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu qirey in ay ka guurti ahaan ay ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen wax ka qabashada xiisadii muddooyinkii danbe ka taagneyd gobalka Awdal ee salka ku haysay mid ka mid ah madax dhaqameedka gobalkaasi oo ku dhawaaqey hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland, waxaana uu yidhi.

“In ay sahlan tahay ayaanu u qaadaney, garbaa se na loogu leeyahay in aanu tagno, oo ka wacdino, Xukuumaduna noomay dalbanin, anaguna waanu ka gaabiney in aanu hoos tagno xukuumada, haddana in ay sahlan tahay oo dee rag ka shaqeeyey oo dhacdadii ka shaqeeyey Ina Ismaaciil Samatar iyo rag kale oo dhex galayba waanu la soconaa,haddana waxii na looga baahdo xukuumada ayaanu iska arki doona, waxii tagid lehba waanu tagi, waxii nagu baaqdeyba waanu qaban".

Guddoomiyaha gudida joogtada ah ee aqalka golaha guurtida Somaliland Md:Cabdi Waraabe, ayaa waxaa uu u soo jeediyey reer Boorama."Waxaanu Boorama u soo jeedinaynaa Boorama gobalada la mid maaha, kolkii ay Ingiriiska ahaydna tiim ingiriis ah ayey la saaxiib ahayd kolkii tani dhalatayna iga ayaa u aabo ahayd Somaliland-tan maanta, iyada ayaa dhistay,kolkaa ninku waxa uu tabanaayo in uu sheegto weeye,waxaanan usoo jeedin lahaa Duul-duulka iska ilaaliya.” "Ayuu yidhi Cabdi Waraabe.

Ugu danbeyntiina Xaaji Cabdi Waraabe waxaa uu fariin u direy Suldaanka Duurka galey ee ku dhawaaqay hadalada lidka ku ah qaranimada Somaliland, waxaana uu ugu baaqay in waxii uu tabanaayo uu sheegto isla mar ahaantaana uu dalka yimaado.

“Wixii aad tabayso Suldaan afkaaga ka sheeg oo kaalay,dalkana waxa jooga madaxwayne aan dhalinyaro ahayn oo nin weyn ah oo garawshiyo bixiya,wixii aad tabanayso dhamaan waa kuu diyaar golihii baarlamaankii, odayaashii, wax garadkii iyo dhamaan shacabka Somaliland”.Ayuu yidhi guddoomiyaha gudida joogtada ah ee aqalka golaha guurtida.