Axmed Yuusuf Yaasiin Iyo Aragtidiisa Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya U Dhexeeya

0
554

Ex_Vice_president_Ahmed_Yusuf_Yasin_who_also_urges_Withdrawal_from_Pointless_Talks_with_SomaliaHargeysa(Geeska)-Cadadkii shalay ee Geeska Afrika, waxaanu idiinku soo gudbinay waraysi aanu la yeelanay Madaxweyne-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlay arrimo kala duwan.

Maanta waxaanu idiin soo gudbinaynaa su’aal uu kaga jawaabayo sida uu u arko wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socda, gaar ahaan wada hadalkii u dambeeyay ee Djibouti ka dhacay, waxaanu Axmed Yuusuf Yaasiin yidhi  “Waxa laga yaaba in waxan laga wada hadlayo iyo wixii dhacay aanay garanaynin dadkii dhashay ilaa 1980-kii iyo wixii ka dambeeyey, Somaliland 1960-kii, waxayna markaas Somalidu ahayd Somaliland, Somaliya, Jabuuti, Kililka Shanaad iyo NFD, waxayna Somaliland markaas raadinaysay wixii la odhan jiray Somali weyn, waxayna doonaysay inay Shanta Somalida isku keento, inaga oo ka cadhaynayn  markii uu Ingiriisku Itoobiya siiyey Dhulkii Somlida, cadhadii ina qaaday ayeynu Somaliya ugu biirnay, markaas wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ku dhexmaray dalka Jabuuti waa mid aan aad u soo dhaweeynayo, oo aan ku faraxsan ahay, maxa yeelay  Jabuuti waa mid ka mid ah Shantii daraf ee Somalida, labada kalena ha loo yeedho.”

Isagoo ka hadlaya doorka Turkiga ee wada hadalada, wuxuu yidhi “Turkigu waxba arintan kama oga, xogogaalna maaha,  wakhtigaas inaga ayaa walibana arinta midnimada dabada ka riixaynay oo Somaliya u tagnay, iyaga oo walibana markaas ina diiday, oo waxa ay yidhaadeen ka noqda, walibana Jabuuti ayaanay odhan wada hadlada ayaanu idiin qabanaynaa ee waa inay si toos ah u soo gasha , Somalida Itoobiya iyo Somalida Kenya iyana waa inay soo galaan, oo markaas Shantii Somalidu wey isku biiri ama toos ayey u kala joogi”