Ma Dhabaa In Cabdillaahi Yuusuf Yemen Uga Guurayo Itoobiya?

0
559

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay baahinayay inuu Cabdillaahi Yuusuf qorshaynayo inuu ka qaxo dalka Yemen, ka dib markii talada laga tuuray Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax. Sidaas waxa qoray warbaahinta Jimma Times ee dalka Itoobiya laga leeyahay.

Laba ka mid ah warbaahinta laga leeyahay Itoobiya iyo Yemen ayaa sheegay inuu Cabdillaahi Yuusuf go’aan ku gaadhay inuu magan gelyo siyaasadeed weydiisto dalka Itoobiya, kana guuro dalka Yemen oo uu markii hore ku joogay magan gelyo ahaan, waxaanay wararku sheegayaan inuu socdo wada hadal lagu doonayo in dawladda Itoobiya lagu qanciyo inuu Cabdillaahi Yuusuf dalkeeda ku noomadaxweyne_yuusuflaado. Laakiin Cabdillaahi Yuusuf, ayaa inkastoo uu xidhiidh wanaagsan hore ula lahaa dalka Itoobiya, haddana waxa ay isa seegeen markii uu talada ka degay oo uu sheegay inay Itoobiya kow ka ahayd xoogagii siyaasadeed ee sabab u noqday inuu iska casilo xilka dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya. Sidoo kale buugga uu dhawaan qoray ee uu ugu magac daray halgan iyo hagardaamo ayaa qaybo ka mid ah wuxuu ku durayaa madaxda Itoobiya iyo siyaasadooda ku waajahan dalka Somaliya, waxaanu imika Cabdillaahi Yuusuf aaminsanyahay in xoogaga siyaasadeed ee Yemen ku soo kordhay ay naftiisa halis ku yihiin, gaar ahaan Al-Qaaciida oo la sheego inay door ku leedahay kacdoonada Yemen ka socda ee sahayday Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Warkan oo aanay dawladda Itoobiya weli ka hadlin, ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in Madaxweynaha Yemen ee talada laga tuuray laftiisu doonayo inuu ku noolaado dalka Itoobiya.