Salaadiinta Arab Oo Iclaamiyay Shir Ay Beeshu Yeelato

0
648

3633340694_75f0a43141Hargeysa(Geeska)-Madaxdhaqameedka Beesha Arab ayaa iclaamiyay shir ay Beeshaasi dhawaan isugu iman doonto magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd.

Qoraal wargelin ah ayaa waxa xalay soo saaray Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, Suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Cabdillaahi Sheekh Axmed, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi iyo Cabdi Haybe oo metelayay Boqor Ciise Haybe, waxaanay ku sheegeen in shirkaasi qabsoomi  doono 10-ka bishan Febarwari, waxaanay qaybaha kala duwan ee Beeshaas ka codsadeen inay shirkaas ka soo qayb galeen, “Waxaana lagaga arrinsanayaa danaha Beesha.” Ayaa lagu yidhi qoraalka wargelinta ah. Salaadiintu waxay ka codsadeen qaybaha kala duwan ee bulshada ay Beeshaasi ka koobantahay inay 10-ka Bishan isugu yimaadaan magaalada Baligubadle.