Wikileaks Oo Fashiliyey Dalkii Kooxaha Kacdoonka Tustay Halka Uu Qaddaafi Ku Dhuumanayey

0
671

 

 

qadaHargeysa (Geeska/WikiLeaks)- Warqad sir cusub ah oo arbacadii toddobaadkii dhowaa lagu faafiyey barta sir-fashiliyaha WikiLeaks ayaa daaha ka rogtay xogo cusub oo la xidhiidha dilkii hoggaamiyihii hore ee Libya Kornayl Mucammar Al-Qaddaafi oo koox ka tirsan ciidamadii kacdoonka kala hor yimi maamulkiisii ay si ka baxsan aadamenimada ugu toogteen meel u dhow magaalada Sirta ee dalka Libya.

 

Xogtan cusubi waxa ay sheegaysaa in sirdoonka dalka Algeria uu xaddiday halka uu ku sugan yahay Qaddaafi kadib markii ay dhagaysteen talefan uu kula soo xidhiidhay xubno ka mid ah qoyskiisa oo jooga dalka Algeria. Sirdoonka Algeria iyaga oo adeegsanaya qalabka suga halka uu qofka talefanka ku hadlayaa joogo ayaa ay xaqiijiyeen in uu Qaddaafi ku sugan deegaanka Bani Waliid oo 100 kilomitir koonfur-galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Tripoli, kadib waxa ay xogtan u gudbiyeen hay’adda sirta Ingiriiska oo ay leeyihiin xidhiidh xog is-dhaafsi, waxa aanu wawrku markiiba si toos ah u gaadhay unugyo ka  tirsan ciidanka Ingiriiska oo gudaha Libya u joogay hawlgallo ay ku raadinayeen Qaddaafi.

Warqaddan sirta ah ee WikiLeaks faafiyey waxa ay sheegaysaa in Algeria ay aad u doonaysay in la dilo Qaddaafi oo ay ka cabsi qabtay in uu is-bahaysi la samaysto ururka Alqaacidada Maqrib Al-Islaami.

Waxa kale oo uu WikiLeaks fashiliyey in Kornayl Mucammar Al-Qaddaafi isku dayey in uu magangalo dalka Algeria wax yar ka hor dilkiisii markii lagu qabtay magaalada Sirta oo ahayd bishii October ee sannadkii hore.

Warqaddan sirta ah ee WikiLeaks uu faafiyey ayaa ah mid ay diblumaasiyiin Maraykan ah oo joogay Libya u dirayeen wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkooda, warqaddan waxaa lagu sheegay in diblumaasi u dhashay dalka Algeria uu caddeeyey in Mucammar Al-Qaddaafi uu dalka Algeria ka dalbaday magangelyo, laakiin madaxweynaha dalkaas Cabdicaziiz Bu-Tafliiqa uu diiday in uu ka jawaabo talefank uu Qaddaafi marar badan oo is-xig-xigta u soo dirayey.

Warqaddan la faafiyey oo ku taarikhaysan 1-dii September 2011-ka ayaa lagu sheegay in codsiga qaddaafi ee magangelyadu yimi wax yar kadib markii qaar ka mid ah carruurtiisa iyo afadiisii ay magangaleen dalka Algeria oo ka aqbalay in kasta oo masuuliyiinta golaha ku-meelgaadhka ah ee Libya oo kacdoonka hoggaaminayey ay diiddanaayeen.

Safiya oo ah xaaskii Qaddaafi, inantiisii Caa’isha iyo labadiisa wiil ee Muxamed iyo Hanibacal ayaa 26-kii August 2011-ka magangalay dalka Algeria oo ay illaa hadda ku sugan yihiin meel sir ah.

Warqaddani waxa ay marag u noqonaysaa golaha ku-meel-gaadhka ah ee Libya oo marar hore dalka Algeria u jeediyey eedaymo ah in ay taageeraysay nidaamkii Qaddaafi, eedahaas oo ay Algeria mar kasta si adag isaga fogayn jirtay, iyada oo xilligii ay kacdoonnadii lagu riday Qaddaafi socdeenna dawladda Algeria ku celcelin jirtay in ay dhinacyada Libya dhex u tahay.