“Qolada Joogtaa Wax Badan Bay Qabteen, Laakiin Waxay Ku Fashilmeen Qadiyadda Somaliland”

0
1878

 

qadaHargaysa( Geeska )- Sheekh Aadan Maxamuud Xiiraay ( Sheekh Aadan Siiro ), ayaa xukuumada ku dhaaliilay in ku fashilantaay ilaalinta qaranimaada Somaliland, isla maarkaana ay dalkii ku soo faruurtay wax uu ugu yeedhay khayr iyo shar badan oo ay ahayd in sharka dalka laga badaadiyo.

 

Sheekh Aadan Siiro waxa uu  ugu baaqay wadaadada iyo siyaasiyiintaba in aanay Somaliland ku soo rarin mushiladaha siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, waxaanu guud ahan bulshada Somaliland oo ay xukuumaduna ku jirto ugu baaqay in la ilaaliyo jiritaanka iyo nabada Somaliland.

Sheekh Aadan Siiro waaxaa uu arimahan iyo arimo kale oo tiro badanba kaga hadlay khudbadii salaaaada Jimce ee shalay, waxaanu hadaladiisa kamid ahaa “Waxaan leeyahay waar nabadaas aan ku fadhino hala ilaaliyo, culimadana waxaan leeyahay waar khilaafka Xamar yaala mid aynu dawayn karayno maaha ee hasoo rarina, siyaasiyiinta dadka horfadhiyana waxaan leeyahay hasoo rarina, waar ninkii Xamar jaceloow ama siyaasi noqo ama wadaad noqo ama nin baayacmushtariya oo maslaxado badan leh hanoqdee waa taqaanaa Xamar halkay ku taalo iyo wadada loo  maro. Qoriga dabka leh waxba tolkaa iyo masaakiintaa hakula war wareegin.”

Sheekhu isaga oo la hadlaaya dadka aan u dhalan Somaliland ee dalka joogaa waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay dadka aan u dhalan Somaliland waar nabadgalyo iyo edab ku jooga dalka, Somaliland waa dhulkii nabada iyo iimaaanka, waa meel ay xorriyadi taalo oo qofka naftiisa iyo maalkiisuba ay ku nabdgalayaan, waana meel qofka muslimka ah aaan lagu dhibin, magaca uu doono ha sheegto cidduu doono haku xidhnaado, waxaan leenahay waar edeb ku joog.”

Sheekh Aadaan Siiro waa uu sii watay khudbadiisa oo waxa uu yidhi isaga oo xukuumada la   hadlaaya “ Maamulka maanta jooga, waxaan  aan idhi horena aan u idhi  waxa la idin siiyay wakhti, waxa la siiyay Somaliland 97 .7%  cod ah, cid gorgortan ka geli kartaa ma jirto , iska  daa kontonkan jooga   boqol kun hadday isku tagaan  gorgortan kama geli karaan,  4.8 milyan ayaa codkii dastuurka siiyay. Markaa qolada maanta joogtaa wax badan bay qabteen ,laakiin waxa ay ku fashilantay  qadiyada Somaliland,  waar khilaafka ha soo rarina , waar khilaafkaa Xamar yaalla ha inoo rarina , waar cidda soo raraysa  waddo  inooga sameeya , waar intii yarayd ee aynu ku caana maalnay inta Ilaahay faraj bixinayo   ha  la idiin ku yimaado . Ayaan daran baa layna yidhaahdaa marka  ay wixii dhacaan ayaynu kolba dhinac u cararnaa.”

Ugu danbayntii waxa uu  khudbadiisa qaybtan  uu kaga hadlaayay arimaha Somaliland uu Sheekh Aadan Siiro ku soo gunaanaday sidaan “ Xukuumadan khayr iyo sharba way furtay, khayarkiina waa uu batay sharkiina waa uu batay, waxa laa doonayay inay khayrka uun furaaan oo waaxii shar ah inagaga-imanaaya ay shaandho u sameeyaan, wax badan ayay qabteen, laakiin dhinicii kalana booba ayay  yidhaahdeen, waxa soo baaxay niman qandaraaslayaaal ah  iyo musuqmaasuqii oo cilmiyaysan, waar waxaan leeyahay dalka haaloo tudho.”