“Waa Mahad Alle, Wasiiraddii Ku Sifoobay Lunsiga Hantidu Inay Ka Maqan Yihiin Xukuumaddan”

48
2828

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay socdaal ay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal ay ku tageen Gobolkaas, waxaanu xusay in xaalad adagi ka jirto, waxaanu  Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu dabagal ku sameeyo halka la mariyey kharashkii laga ururiyey abaaraha, isla markaana uu hubiyo.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in Wasiiraddii ku sifoobay musuq-maasuqu inay ka maqan yihiin Xukuumaddan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xukuumaddani waa Xukuumad cusub, barashana weynu nahay, oo khalad wuu iska dhici karaa, balse Xukuumadda waxaan leeyahay dadka ayaa ugu baahi badan inaad wax u qabato, oo dantii guud ku wada jira, ku yar iyo ku weynba, mid mucaarad ah iyo mid muxaafid ahba, waxaana ALLE uga baryeynaa in Xukuumad xilka ku asturo, oo Xukuumaddii umadda oo dhan raaligelisa ay noqoto, Mucaaradkuna sidiisaba in wixii dhaliil ah inuu sheego oo wixii khaldan inuu toosiyo weeye, markaas Xukuumaddani wali wey cusub tahay heer lagu qayliyo ama waxaas ayey khaladay wali ma taagna, wali talaabo may qaadin, markaas in lagu deg dego oo la yidhaahdo waxan bay sameeysay ma qabo, ee waxay sameeyso aynu eegno oo aynu u kaadino”.

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golihiisa Wasiiradda ayaa yidhi“Muuse Biixi ayuu xilkii saaran yahay maanta, oo culayskii saaran yahay, oo waxaanu ka sugaynaa inuu dalka wanaajiyo, umaddu waxay aadka uga cabanaysay meesha uu ka saaray, aad iyo aadna uu uga saaray taas, horta wixii ALLE wanaajiyo ayaa wanaagsan ee xagga aan aniga fikirkayga marka aan eego Wasiiraddii loo baahnaa ee tayada lahaa muu keenin, inasta oo Wasiiro badan oo tayo leh uu keenay, haddana dadkii loo baahnaa muu wada keenin, Wasiiraddii ku sifoobay lunsiga hantidana waa alxamdulilaah inay ka maqan yihiin Xukuumaddan, waana ku hambalyeynayaa”.

Xildhibaanka oo ka hadlaya safar ay ugu baxeen gobalka Awdal wuxuu yidhi “Anagoo ah ilaa sagaal Xildhibaan ayaanu u soo baxnay Gobolka Awdal, waliba anagoo ah Xildhibaanadii Gobolka, waxaana u kuurgalanay xaaladaha Bulshada, gaar ahaan Biyaha, Caafimaadka, haddii ay noqoto Wasaaradaha, haddii ay noqoto Jeelka, waxaana awooda saaraynaa arimaha adeegyada bulshada, gaar ahaan waxyaabahaas lagama maarmaanka ah ee Bulshada khuseeya, baahiduna aad bay u badan tahay, baahiduna waa mid laga wada siman yahay, waana xaalada ka wada jirta Gobolada Somaliland oo dhan, waayo wax walba sidii loogu tagalay uma maaha, kormeerkaygana waa in aanu u kuurgalno madaama muddooyinkii ugu dambeeyey abaaro jireen, waxyaabo badan oo wax laga qaban lahaa oo Miisaaniyadda ugu jiray, oo marka indhaha xagga kale loo jeediyey ka baxday ayaa jirta”.

Mar uu shacabka reer Somaliland baaq u diraayey ayaa yidhi “Bini’aadanku iyaga ayaa is dhisa, marka ugu horeeysa dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waa inay u soo jeestaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha, umad kastaana iyada oo is dhista mooye cid kale oo dhistaa ma jirto, waana in arimaha aasaasiga ah ee arrimaha bulshada loo soo jeesto oo hore loo horumariyo, oo lala dagaalamo waxyaabaha musuq-maasuqa”.

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey Abaaraha iyo kharashkii loogu tagalay iyo waxa kala  gudboon Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi “Kharashkii Abaaraha waxa la leeyahay Guddidii ayaa markii ugu dambeeysay loo dhiibay, waana inagii Doorashooyin galnay, markaas kharashkaas ama lacagtaas loogu tagalay abaaraha dadka baa laga ururiyey, in dadka ay dhibaatada abaaruhu ku dhaceen in la gaadhsiiyo ayaa loogu tagalay, in la gaadhsiiyo ayaa haboon, kharashkaas abaaraha Xukuumadda cusub inay dabagasho waa wax u yaala, Xukuumaddana waxaan farayaa in kharashkaas abaaraha in la gaadhsiiyey dadkii loogu tagalay iyo in kale dabagalkeedu waa waajib saaran, oo looga baahan yahay inay daba gal ku sameeyso, inkastoo Guddi ay gacanta ku haysay”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here