“Garoonkii Berbera Ee In Badan Laga Murmaayey Ee Imaaraadku Dhisayeen; Ciidankii Waan Ka Wareejiyey Oo Waa Shibil Maanta”

0
217

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu madaarka Berbera ee saldhiga milatari u ahaa UAE, uu ka wareejiyay ciidanka oo uu ka dhigay mid rayid.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Berbera, shalay wuxuu sheegay inay maalmahan madaarka soo gaadhayaan qalab cusub, “Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaas raaciyay “Wiigna waxa imanaya kambanigii dhisayay madaarka iyo taawarka ee u rogaayay qalabkii diyaaraduhu ku soo degayeen wuxuu noqonayaa garoonka u weyn, masar ayuun baa lagu sheegi jiray mid ka weyn; waa 5km oo dhinac walba u banaan oo badiina ku agyaala oo cusub, markaas marka qalabkiina lagu daro waxaynu ku talo galaynaa inuu noqdo garoon ay diyaaradaha caalamka ugu waaweyni ka qaadaan alaabta.”

Madaxweyne Biixi ma bixin faahfaahin ku saabsan inay dawladda UAE isla garteen in madaarka oo ay Madaxweyne Siilaanyo kula heshiiyeen inuu noqdo saldhig milatari, imika loo bedelo mid shicib. Heshiiska ayaa wuxuu dhigayay in UAE ay madaarkan u isticmaasho saldhig milatari islamarkaana ay Berbera ka dhisto madaar cusub oo shicib.

Madaxweyne Biixi ayaa dhawr goor oo uu saxaafada gudaha iyo dibadda la hadlay wuxuu difaacay saldhiga UAE oo uu sheegay inaanu faa’iido mooyee dhibaato u keeni doonin gobalka Geeska Afrika.

Waxa la aaminsanyahay in Madaxweyne Biixi iyo madaxda UAE ay socdaalkii u dambeeyay ee uu Biixi ku tagay dalkaas ay iskula soo garteen in madaarku noqdo mid shicib, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweyne Biixi ka codsaday UAE arrintan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.