WHO Oo Bishan Gudaheeda Soomaaliya Geynaysa Tallaalka Cudurka Covid_19

0
524

Muqdisho (Geeska) – Soomaaliya ayaa heli doonta tallaalka cudurka COVID_19 bishan aynu ku jirno ee February, sida ay Shalay shaaca ka qaaday hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa Idaacadda VOA u sheegay in Soomaaliya ay heli doonto 1.2 milyan oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Tallaalkaas ayaa iskugu jira gacanta hore iyo gacanta labaad, waxaana lagu tallaali doonaa 600,000 oo Soomaali ah.

Dr. Mamunur Rahman Malik waxa kale oo uu sheegay in bilaha March iyo Abriil ay heli doonto tallaal kale oo lagu tallaalo 20% dadweynaha Soomaalida.

Daawooyinka lagu tallaali doono 20% dadka Soomaalida ah ayaa ah lacag la’aan, waxaana bixinaya xarunta Covax oo ay wada dhiseen Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO iyo Isbshaysiga Caalamiga ah ee GAVI. Xaruntaas waxa maalgeliyey Midowga Yurub.

Hase-yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay hesho kharashkii ay kusoo iibsan lahayd tallaalka lagu tallaali lahaa 80% ka kale ee dadweynaha Soomaaliya. Hay’adaha WHO, UNICEF iyo Bankiga Adduunka ayaa la sheegay inay dawladda ka caawinayaan sidii kharashkaas lagu heli lahaa.

Tallaalka 1.2 milyan ayaa lagu tallaali doonaa shaqaalaha Caafimaadka, kuwa dawladaha hoose iyo kuwa safka hore, waxayna ku filan tahay 3% dadweynaha waddanka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office