“Waxa Somaliya Ka Taagani Waxay Imtixaan U Yihiin Nolosha Reer Galbeedka”

0
2610

 

turky

Muqdisho(Geeska)-Raysalwasaaraha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan oo shalay booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Muqdisho oo ay dagaalo aafeeyeen labaatankii sannadood ee u dambeeyay, ayaa jeediyay khudbad qiiro leh.

Raysalwasaaraha oo ay wehelisay xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo uu dhalay wuxuu booqday  qaar kamid ah xeryaha ay ku jiraan dadka macaluushu haleeshay isla markaana indhihiisa ku soo arkey xaaladda ka taagan halkaas. Shirjaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in macaluusha Somaliya ka jirtaa tahay mid lagu tijaabinayo qiyamka nolosha reer galbeedka,   “Xaqiiqdii waxa ka taagan Soomaaliya waxay imtixaan u tahay nolosha casriga ah ee maanta, waxaana la eegayaa in adduunku imtixaankaas ka baxo oo ka guuleysto. Waxaan u dhawaaqayaa dadka oo dhan mid mid. Waxaan la hadlayaa waalidka ku nool dhanka shishe ee dunida. Fadlan ha ilaawina xaqa ay caruurtiinu idinku leedahay, kuwaas oo farxad ku ciyaaraya xadiiqooyinka idinku dhaw, ogaada caruurta halkan joogtaana xaq ayey u leeyihiin. Hooyooyinka iyo Aabayaasha Soomaaliya tiiraanyo iyo murugo ayey dareemayaan. Waa xaqiiq, waxaana macquul ah in aan demin karno dabkaas baxaya. Turkish ahaan ma sugeyno waxa dunida kale ay leedahay….” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan oo hadalkiisa sii wataa lana hadlaya dalkiisa Turkiga, wuxuu yidhi  “Waxaan la hadlayaa dalkeygi Turkiga, aniga oo halkan jooga, waxaa jirta hadalo nuxnux iyo xan ah. Waxay leeyihiin muxuu halkaas ka dooney oo ka samaynayaa, iyada oo dadka Turkigaba fakhri ka buuxo?, Waxa aan ku adkeynayaa in ay yimadaan Soomaaliya oo ay arkaan xaaladda ka taagan halkan. Waxaan ogahay in Soomaaliya ay soo wajahdey maalmo adag, bilo ama sanado. Waxayna weji ka weji u qaabileen Macaluul iyo Abaaro. Waxaan aragney Xeryaha ay ku jiraan dadkaasi, waxaana jira xerooyin kale oo aan arkeyno shirkeena kadib. Dadku waxay la tacaalayaan xaalad aad u adag. Si aad ah ayaan uga murogooney in aan aragno xaalad cayn kan oo kale ah gaar ahaan caruurta yar yar ee dhibaateysan.”

Raysalwasaaraha Turkiga oo hadalkiisa ay ka muuqatey tiiraanyo iyo murugo ayaa yidhi, “Waxaan halkan u joognaa in aan maqalno codkiina, si dhawaansho ah. Halkan ayaan ku joognaa, Xildhibaano, Ganacsato, Fanaaniin iyo Hay’addo aan dawli ahayn NGO. Waxaan rabnaa in aan codkiina u gudbino caalamka, Xaqiiqdii arrintani maaha mid u taala Turkiga oo keliya waa mid u taala caalamka oo dhan. Laakiin Turkish ahaan waxaan halkaan ku matalaynaa sidii aan adduunka cid kale ku nooleyn.”

Socdaalkan Raysalwasaaraha ayaa indhaha ku soo jeedin doona Somaliya, waxaana safarkiisa ku weheliyay oo uu siday raashin iyo deeq tiro badan oo uu geeyay dadka reer Somaliya ee tabaalaysan. Waxaanu shalay dib uga noqday magaalada Muqdisho oo ammaankeeda aad loo adkeeyay intii uu joogay.