Weriye Muniir Oo La Isla Qaatay Inuu Noqdo Murashax Ka Qayb Geli Doona Doorashooyinka Wakiilada

0
523

Hargeysa (Geeska)- Weriye Muniir Axmed Cigaal, oo ka mid ah Saxifiyiinta dalka, ayaa Madax-dhaqameedka, Odayaasha, Wax-garadka iyo Dhalinyarada beelaha Axmed Faarax ee uu ka soo jeedaa,  waxay isku raaceen inuu u noqdo Musharaxa u tartamaya Golaha Wakiilada Doorashada soo socota, waxayna Guddi ahaan wada tashi dheer sameeyeen, inay Muniir Axmed Cigaal u garteen inuu xilkan Musharaxnimo ee Golaha Wakiilada uu ku haboon yahay.

w

Munaasibad balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Magaalada Berbera, ayaa Beesha Axmed Faarax waxay Odayaasha, Cuqaasha iyo Aqoonyahanada Beesha Axmed Faarax, wshaaciyeen inuu Muniir Axmed Faarax yahay Musharaxooda.

Muniir Axmed Cigaal oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa isagu Odayaasha iyo Wax-garadka beeshiisa uga mahadnaqay xilkan musharaxnimo ee ay ku maamuseen, isagoo balanqaaday in haddii uu xilkan ku guulaysto uu midayn doono isla markaana uu isku wadi doono Gobolka Saaxil, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya "Waxay tani muujinaysaa sharafta aad aniga i sharafteen,  ALLE ha idin sharfo, anigana ha iga dhigo mid koran, oo kaalintaas galaa, markaas taas waan ka mahadnaqayaa, midna ogadaa, anigu Saaxil waan iskugu faanin doonaa ee u kala faanin maayo, anigaana insha-allaah, Saaxil isku midayn doonaa.” ayuu yidhi Muniir.

Odayaal, dhallinyaro iyo aqoonyahan halkaas ka hadlay ayaa dhinacooda sheegay inay marka doorashada la gaadho garab istaagi doonaan saxafigan tartamaya islamarkaana ay codkooda siin doonaan, iyagoo xusay inuu yahay murashax u qalma inay u doortaan golaha wakiilada.