Sheekh Aadan-Siiro Oo Garab-Dhigay Dadka Baahida u Dhimanaya & Sida Dad Gaari Uga Faaideystaan Hantida Umada

0
537

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Dhibaatada Abaartu ku hayso Shacabka Somaliland, waxaanu ku baaqay in Dawladda iyo Cidda kale ee ILAAHAY wax siiyey u gurmadaan.

fffff

Sheekh Aadan-Siiro, waxa uu sheegay in Rasuulka laga soo Wariyey inaan ILAAHAY Ducada iyo Baryada ka aqbalin Ciddii ku nool Xaaraan iyo wax aanay lahayn, sidaa daraadeed waxa uu ku baaqay in Dadka Hantida Ummadda ka masuulka ahi iska ilaaliyaan oo ay ka war-qabaan Maatida iyo Dadka baahan ee reer Somaliland.

Sheekha oo Khudbaddiisii Jimcaha ee Shalay ku soo qaatay dhacdooyin badan oo ku taxan habkii ay u dhaqmi jireen Asaxaabadii Rasuulku (CS) marka Shacabku dhibaateysan yahay iyo sida Maanta talo tahay, ayaa yidhi, “Innaga Maanta taladeennu waa Wan weyn Subag ku shub, Marka wax la Qaybinayo kooxaha Xarfaanta ah baa qaybiya, wax kasta marka la qaybinayo waxa ku jira Dadka aynu ku tuhunsan nahay inay Hantida Ummadda wax badan ka faa’ideen.”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka hadlay Dadka u dhintay Harraadka iyo Gaajada ka dhalatay Abaaraha Dalka jira iyo sida Dawladda iyo Xisbiyadu uga dareen celiyeen, “Maxaa ILAAHAY ka tilmaamay in Dadka Jilicsan laga tago, iyadoo la inoo sheegay in Somaliland gudaheeda Dad tiro badan ku dhinteen oon iyo Gaajo ka dhashay Abaartaa Leeleelinaysa, Maxaa laga tilmaamay in la yidhaahdo Maanta Caasimadda gudaheeda ayaa Dad Gaajo ugu dhinteen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Imaamu Muslim wuxuu Wariyey Qofka ka feyda Qof Muumin ah mid ka mid ah dhibaatooyinka Adduunka, waxa ILAAHAY ka khafiifiyaa mid ka mid ah dhibaatooyinka Maalinta Qiyaame dhacaya, ayuu yidhi Rasuulku (CSW). Qofka u gargaara Walaalkiisa la jaarka ah ee la deggan ee Abaartu hayso isaga ILAAHAY baa gargaarihiisa ah.”

Sheekha oo sii wada Tusaalayaasha uu u soo qaadanayo Xaaladda Maanta ka jirta Somaliland, ayaa sheegay, “Cumar Binu khaddaab oo jooga ayaa Madiina laga waayay Roob muddo Sagaal bilood ah, ILAAHAY Abaar buu ku imtixaamay Cumar Binu Khaddaab iyo Raggii la midka ahaa. Cumar Binu Khaddaab wuxuu soo saaray Go’aan, waxaanu isugu yeedhay Ilma Cumar Binu khaddaab waxaanu yidhi lama arki karo Qof Ilma Cumar Binu Khaddaab ah oo Hilib Cunaya inta ILAAHAY Abaarta innaga qaadayo, lama Arki karo Qof Ilma Cumar Binu Khaddaab ah oo Caano Cabbaya. Saddex Dumar ah (Xaas) oo u joogayna wuxuu ku yidhi waxaan ILAAHAY ballan kula galay in aanaan Dumarka u tagin oo Masaajidka Nebiga (CS) ayaan seexanayaa inta ILAAHAY Muslimiinta ka qaadayo Abaarta, Maaddaama oo aan Masuul ka ahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Innagu maxaynu kaga jawaabnay Abaarta, iyadoo la leeyahay Dad baa Abaarta ugu dhintay AWDAL iyo Hargeysa, ayaynu kaga jawaabnay Boqol LandCruiser oo la is-daba geliyey, waxaynu kaga jawaabnay Shirar iyo Ololeyaal la doonayo in Dadna lagu riixo Dadna lagu soo saaro.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden-Siiro) waxa uu tilmaamay in Rasuulka laga soo wariyey inaan ILAAHAY ducada ka aqbalin Ciddii Xaaraan ku nool, “Rasuulka (CS) ayaa ka sheekeeyay Nin Safar dheer galay oo boodheysan oo ILAAHAY gacmaha kor ugu taagey (Baryey), Rasuulku wuxuu yidhi Ninkaasi Cuntada uu Cunayaa waa Xaaraan, Dharka uu xidhan yahay waa xaaraan, isaga iyo Ehelkiisana Xaaraan baa lagu soo koriyey, Rasuulku wuxuu si layaab leh u yidhi kaasi sidee ILAAHAY Ducada uga aqbalayaa. Waar Hantida Ummadda hala daayo, Waar Maatida ha loo gargaar, waar Agoonta hala ilaaliyo, waar Dadku way soo ooteen ee Isha hala iska ilaaliyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, “Dadka Abaar baa haysa oo Biyo la’aan baa jirta ee Dadka waxooga aad haysaan ha looga gargaaro, waar Maatida ILAAHAY ha lagaga yaabo Dadku wuu soo ooteye. Marka aad bannaanka soo dhigtaan waxa Ummaddu leedahay ee aad haysaan Hantida aanu leenahay waxaad keena tidhaahdaan ayaanu keenaynaa intay doonto ha ahaatee, laakiin inta Wixii Dadka ka dhexeeyay Qof keli ahi ku nool yahay, inta wixii Dadka ka dhexeeyay Kooxi ku nooshahay (Waxba ma hagaagayaan), kama hadlayo Qabaa’il ee waxaanu la hadlaynaa Kooxaha la yaqaanno, Dadka Hantida Ummadda haya, waxaanuna leenahay waxaad qaadeen ee aad ogtihiin wax ka soo celiya.”