Weriye Axmed Siciid Cige Oo Hawlgab Ka Noqday Shaqadii BBC Oo Uu 20 Sannadood Ka Shaqaynayay

55
5220

Hargeysa(Geeska)-Saxafiga caanka ah ee Idaacadda BBC, laanteeda Afka Soomaaliga wakiilka uga ahaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa Axmed Siciid Cige ayaa galay hawlgab shaqo.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, weriye Cige oo Idaacadaas BBC u shaqaynayay 20 kii sannadood ee u dambeeyay, wuxuu hadda galay hawlgab rasmi ah, waxaanu ka fadhiiistay hawlihii shaqo ee laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Weriye Cige, ayaa mudadii uu wakiilka u ahaa idaacadda BBC, wuxuu caan ku ahaa dhexdhexaadnimo saxafinimo oo dhinacyada uu waraysanayo ah. Axmed Cige ayaa sannadkii hore markii u horaysay wuxuu laanta Afka Soomaaliga ee BBC ka sii daayay dood dhex martay saddex murashax madaxweyne oo ku tartamayay doorashadii madaxtooyada ee kal hore Somaliland ka dhacday, taas oo noqotay markii u horaysay ee BBC, laanteeda afka Soomaaligu dood u qabato murashixiin madaxweyne.

Weriye Cige, ayaa wuxuu goob-joog ka ahaa oo uu warbixino ka diyaariyay lixdii doorasho ee Somaliland ka qabsoomay oo isugu jiray kuwo madaxweyne, baarlamaanka iyo kuwo deegaan, sidoo kale saddex doorasho oo ka qabsoomay dalka Djibouti ayaa goob-joog u ahaa.

Weriye Cige, ayaa wuxuu geesta kale laf-dhabar u ahaa xafiiska Media Action ee BBC-da oo Hargeysa laga furay sannadkii 2005 oo ay wax ka barteen shaqana ka heleen dad badani. Intii uu shaqada BBC joogay waxa magaalada Hargeysa ay noqotay magaaladii u horaysay ee laga furo idaacadda FM-ta oo ku shaqaysa cadceeda.

Si kastaba ha ahaate, weriye Axmed Siciid Cie, wuxuu nabadgelyo ku yidhi laanta Afka Soomaaliga ee BBC, waxaanu si rasmi ah uga fadhiistay shaqadii uu BBC u hayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here