Faratoon Oo Sheegay Inuu Halgan U Galayo In Dunida Laga Dhaadhiciyo Qadiyada Somaliland

57
5210

Wasiirka Arimaha Dibada Faratoon Oo Sheegay Inuu Halgan U Galaayo In Dunida Laga Dhaadhiciyo Qadiyada Somaliland

N Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda, qadiyada madax banaanida Somaliland iyo wada hadalada Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya wada hadalada Somaliya yidhi “Arintan wada hadalada Somaliya, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, meel fagaare ah ayuu kaga hadlay, xaqiiqooyin jirana uu sheegay, heerka aynu kala joogno Somaliyana wuu sheegay, waxaana xaqiiqo ah in Somaliya aynu kala nahay laba dal oo kala leh xad la yaqaano, markii horena waxaynu kala ahayn laba dal, oo isku biiray, haddana dib u kala noqday, Somaliland iyo Somaliya laba dal oo la isku khaldo oo isku mida maaha, Somaliland Xamar loogama taliyo ee Madaxweyne Shacabkiisu doorteen ayaa ka taliya, Dawladda Somaliya khalad bay ku tahay inay na sheegato, Somaliland waa dal leh  Caasimad, waa dal gobolo, waa dal leh Ciidamo, waa dal leh Calan, waa dal leh wax kasta oo dal la aqoonsan yahay looga baahan yahay, markaas dawladda Somaliya is kasta oo ay iskugu daydo inay horumarka Somaliland wax yeesho ma yeeli karto”.

Wasiirka arrimaha dibadda isagoo ka hadlay Siyaasadda Arrimaha Dibadda,Aqoonsiga iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi “Caalamku wuxuu inoola macaamila si fiican, waxaynu qabsanayna waa la inoo og yahay, laakiin cid kasta oo ina ogol iyo cid kasta oo ina diidanba inaynu qancino, kuna qancino jirtaankeena iyo qaranimadeena ayaanu diyaar u nahay, Wadamada aynu jaarka nahay, Wadamada Afrika, Qaramada Midoobay, Ururka Jaamacadda Carabta, Midawga Yurub iyo cid kastaba waxaynu diyaar u nahay, inaynu tusno oo aynu ka dhaadhicino qadiyadeena, madax banaanideena iyo jirtaankeena dal ahaan iyo dad ahaanba, waxaanu diyaar u nahay inaynu dal kasta ku qancino inaynu Somaliya kala madax banaan nahay, halgan, juhdi iyo dadaal baynu u gali doonaa sidii aynu aqoonsi u heli lahayn, waxaana looga baahan yahay shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay muujiyaan qadiyada iyo madax banaanida dalkooda”

Wasiirka arrimaha dibaddu mar uu ka hadlaayey warbaahinta ayaa yidhi “Qaybaha kala duwan ee warbaahinta wadanka, waxaan ku boorinayaa inay baahiyaan wararka qadiyada Somaliland sare u qaadaya, balse waxaan ka codsanayaa inay aad uga taxadiraan oo ay iska ilaaliyaan wararka Wadanka khatar ku ah”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here