Weligaa Ilmahaaga Ha U Ciqaabin Khalad Uu Sameeyey Awgii!: Haddaa Sidee Loo Sixi Karaa Carruurta? (Q:2aad)

0
604

DDDDDDHargeysa (Geeska)- Waa qormadii uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u rogay ee ka waramaysay dhibaatada ay ciqaabta jidheed iyo ta nafsiga ahi ku keeni karaan ilmaha: 

Kaalintee uu waalidku ka qaadan karaa xal u helidda mid kasta oo xaaladahaas ka mid ah:

  • Haddii aanusidii saxda ahayd garanayn, waxaa waalidka la gudboon in uu tilmaam iyo tusaalayn iyo waxbaris la garab istaago ilmihiisa.
  •  Haddii ilmuhu saxdii garanayo, laakiin aanu samayn garanayn ama jidkii uu u mari lahaa aanu garanayn, waxaa waalidla la gudoon in uu ilmihiisa ku tababaro marar badan uguna celceliyo tallaabooyin saxda ah ee uu qaadi karo iyo jidka uu u marayo ficilka fiican ama waxa laga doonayo ee saxda ah.
  •  Haddii sababta ilmaha qaladka ku keenaysaa ay tahay isaga oo illaawaya saxdii, waalidka waxaa la gudboon in uu xasuusiyo, waayo illowgu waa dabeecadda aadamaha oo dhan da’ kasta oo uu yahay. Mar kasta xasuusi uguna celceli, aakhirka dariiqa saxda ah ayaa noqon doono qayb shakhsiyaddiisa ka mid ah oo uu mar kasta iyada oo aanu juhdi ku bixin xasuusto.
  • Haddii ay muuqato in ilmahaagu uu dareemayo boholyow iyo in aad waqti siin weyday, oo sidaas awgeed uu kuu ciqaabayo si uu dareenkaaga isugu soo jeediyo. Naftaada dib ugu noqo, oo isweydii, Mar kasta ma talefoon ayaa aad ku hadashaa ama internet ka iyo daawashada Talefishanka ayaa aad ku mashquushaa inta aad guriga joogto? Goormaa kugu dambaysay adiga oo la ciyaara carruurtaa ama kala qayb qaata waxa uu ku maarraroobo ama xitaa meeel guriga ka baxsan u kaxeeya, oo aad aragto isaga oo si niyad ah u qoslaya?
  • Haddii aad aragto ilmihii oo ku carinaya ama wixii aad u diidday samaynaya, waxa aad garataa in aanay dhego adayg ahayn ee uu doonayo in uu ku ciqaabo! Waa hab cilmi ahaan la ogaaday oo ilmuhu uu ku muujio cadhada uu waalidkii u qabo ama hab-macaamilka waalidkii ee uu diiddan yahay. Haddii kale waxaa laga yaabaa in hab-dhaqanka xun ee ilmaha aad ku diiddan tahay uu yahay mid uu waalidkii kaga dayanayo oo waalidka qudhiisu aanu anshax fiicnayn.

Waxaa iyaduna muhiim ah in waalidku ogaado in madax adayggu, madax adayg uun dhalo, qallafsanaanta iyo dagaalkuna ay dhalaan qallafsanaan iyo dagaal uun, cadhaduna ay cadho dhasho, qasbidda ilmuhuna ay fogaanshiyo iyo fallaagow uun keento.