Weli Axmed Xaawa Oo Loo Dhaariyay Golaha Wakiilada

0
467

wali-xaawo-475x294Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa Sabtidii xildhibaan Weli Axmed Xaawa u dhaariyay ka mid noqoshada golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Weli, ayaa bedelay xildhibaan Khadar Ambassador oo iska casilay xubinimadii golaha wakiilada, isagoo xildhibaan Weli Axmed Xaawa ahaa xildhibaanka cod ahaan ku soo xigay xildhibaanadii xisbiga UCID uga soo baxay gobalka Hargeysa. “Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31/01/2015 wuxuu xildhibaankaasi (Weli) ka mid noqonayaa mudanayaasha golaha wakiilada JSL.” Sidaas waxa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexanyahay guddoomiyaha maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali. Weli Axmed Xaawa ayaa ah siyaasi firfircoon oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isagoo hore xil uga soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.