Wejiga Oo Aad Ku Maydho Biyo Toos Ugu Dhacayaa Waxay Badisaa Coodh-Coodhka Waxaanay Khatar Ku Tahay Maqaarka

0
697

Sydney (Geeska)- In wejiga gelin hore iyo galabba si joogto ah loo dhaqaa waxa ay ka mid tahay aasaasiyaadka daryeelka maqaarka, laakiin in xilliga maydhashada jidhka wejigana sida jidhka kale biyaha tuushka toos loogu dhigaa waxa ay ka qayb qaataa burburinta maqaarka, waxa aanay maqaarka wejiga ka dhigtaa caweef qallal badani ka muuqdo. Sidaa waxaa caddaysay warbixin caafimaad oo ku soo baxday wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

Kay Scott oo ku xeeldheer caafimaadka maqaarka ayaa mar ay u warrantay wargeyska The Daily Mail oo uu Geeska Afrika soo xiganayo waxa kale oo ay xaqiijisay in ay qalad tahay in wejiga aynu ku maydho biyaha tuushka ama qasabadda ee heerkulkoodu la mid yahay ka aynu jidhka ku maydhanno, waayo waxa ay sababaysaa in ay daciifaan xididdo-tiftifeedka dhiigga ee mara dhabanka, waxa aanay sababtaa in dhibaato kasta oo uu maqaarku hore u sii qabay ay sii korodho, sida coodh-coodhka oo ku bata qofka.

Scott oo ah maamulaha iyo aasaasaha xarunta caafimaadka ee The Clinic oo ku taalla magaalada Sydney ee dalka Ustareeliya ayaa mar ay arrintan sii faahfaahinaysay waxa ay tidhi, “Waxaa xaqiiqo ah in heerkulka iyo xoogga biyaha ku dhacaya jidhkuba ay dhaawac gaadhsiiyaan maqaarka”

Dhakhaatiirta maqaarku waxa ay isku waafaqsan yihiin in biyaha kululi ay wejiga ka kaxeeyaan dufanka dabiiciga ah ee Alle ugu talogalay in ay maqaarka ilaaliso, sidoo kale waxa ay biyaha diirrani sababaan in ay ballaadhaan xididdada dhiigga ee weijiga mara, waxaana dhacda in wejiga laga dareemo dhiigroor. Sidaa awgeed qofka biyaha uu ku maydhanayo kululaysta waxaa fiican in uu ka taxaddaro in biyahaas uu wejiga ku maydho.

Scott waxa ay sheegtay in sida ugu fiican ee wejiga loo maydhi karo iyada oo la ilaalinayo caafimaadka maqaarku ay tahay in wejiga lagu nadiifiyo biyo aan qabow ahayn isla markaana aan diirranaan lagu sheegi Karin. Waxa aanay intaas ku sii dartay, “Waa in marka aynu wejiga maydhanayno, gaar ahaan marka aynu saabuunta ka maydhayno aynaan tuushka inta aynu hoos istaagno wejiga kor ugu qaadan sida in badan dhacda, innaga oo doonayna in biyuhu toos ugu dhacaan wejiga, sidaas oo keliya ayaa aynu dhibta uga ilaalin karnaa maqaarka wejigeenna” Ugu dambayntiina waxa ay ku talisay in qof kastaa uu taxaddar muujiyo marka uu wejigiisa dhaqayo.