Weftigii Uu Hoggaaminayey Guddoomiye Cirro Oo Socdaal Ku Tegay Dedmaga Bullaxaar Iyo Xeebta Galbeed Ee G/Saaxil

0
531

Bulaxaar(Geeska)- Weftigii uu hoggaaminayey Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ee maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Gobolka saaxil ayaa Shalay  socdaal ku tegay magaalada Qadiimiga ah ee Bullaxaar,halkaas oo ay kala kumeen isaga iyo weftigiisu soo dhaweyn ballaadhan,taas oo aanay u kala hadhi dad weynaha reer Bulaxaar yar iyo weyn,waxaanay ku qaabilen weftiga Sama-wade caleemo qoyayn, calanka qaranka Somaliland iyo calanka u gaarka ah Xisbiga WADDANI,isla markaan waxay ku dhawaaqyeen weedho iyo halku dhigyo ay ku taageerayaa Xisbiga WADDANI

wadda

Guddoomiye Cirro oo fagaare kala haddlay dad weynaha ku dhaqan degmada Bulaxaar, ayaa ugu horrayn uga mahad-naqay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen waxaanu ugu baaqay in ay si nabad ah isku diiwaangeliyaan,isagoo Guddoomiye Cirro intii uu ku sugnaa Bullaxaar kullamo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha,dhalinyarada Haween reer Bulaxaar,waxanu Sidoo Kale weftiga Guddomiye Cirro bookhasho ku tegay Bullaxaartii hore ee qadimiga ahayd.

Dhanka kalene weftiga Sama-wade ayaa socdaal ku soo maray magaalada Boodaale ,halkaas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn ballaadhan,iyadoo ay dad reer Boodaale ku maamuuseen weftiga hadhimo sharafeed aad u heersaysa oo ay halkaasi ugu sii diyaariyeen.

Ugu dambayntii weftoga sama-wade ayaa dib ugu guryo noqday magaalada Berbera ee  shalay ka soo jarmaadeen ,halkaas oo ay maanta  si rasmi ah uga bilaamayso diiwaangelintii codbixiyaasha doorashooyinka