Wefti Qaadhaan-bixiyayaasha SDF Ah Oo Booqday Mashaariicda Biyaha Hargeysa iyo Waddooyinka

0
494

Hargeysa ( Geeska)- Wefti ka kooban safiirada waddamada Denmark, Norway iyo Netherland iyo masuuliyiin sarsare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska iyo weliba xukuumadda Somaliland, ayaa booqasho ku tagay qaybo ka mid ah mashaariicda biyo-ballaadhinta Hargeysa iyo horumarinta Waddooyinka ee laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Weftigan oo markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa galinkii hore ee doraad kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland wasiirrada Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Arrimaha Debedda, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha, Deegaanka iyo masuuliyiin kale, kaas oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxay warbixino ku saabsan Qorshayaasha Horumarinta Qaranka iyo sidii ay Waddamada Qaadhaan-bixiyayaahu u sii wadi lahaayeen taageerada ay siiyaan Somaliland isku waydaarsadeen masuuliyiinta dawladda Somaliland.

Kulankaas kadib weftigu waxay socdaal ay ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Cali Xuseen Ismaciil (Cali Shoombe),  Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Ducaale iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad iyo masuuliyiinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ku soo indho-indheeyeen mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, gaar ahaan goobaha ay ka socoto shaqada biyaha ee inta u dhaxaysa magaalada ilaa deegaanka Geed-deeble sida xarunta kaydka dhuumaha biyaha qaada (beebabka) ee duleedka Hargeysa iyo halka ay ka socoto hawsha dhigista beebabka cusub ee biyaha, halkaas oo ay si habsami ah looga wado shaqo ballaadhan oo ku saabsan qodista iyo xidhxidhista dhuumo waawayn oo lagu beddelayo beebabkii hore, kuwaas oo ilaa hadda la dhammaystiray 13KM oo ka mid ah 23KM cabbirka masaafada ay ka yimaadaan.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa xog-warran la xidhiidha mashruucan, heerarka uu soo maray iyo halka uu waqti xaadirkan marayo ku siiyey weftiga safiirrada goobta shaqadu ka socoto, isagoo xusay in dadaalkii muddada dheer la soo waday si magaalada Hargeysa biyo ku fulin loogu soo saaro uu hadda guul ku dhawyahay.

“Mudanayaal, maanta waxaad indhihiina ku aragtaan natiijada mucaawanadiinii iyo dadaalkii aad labadii sanno ee ugu dambeeyey la wadeen dawladda Somaliland, gaar ahaana Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxaannuna aad ugu faraxsanahay taageeradiina. Waxaan filayaa sida qorshuhu yahay markaynu dhammayno mashruucan iyo dhammaan dadka degan magaalada Hargeysa ay heli doonaan biyo nadiif ah,” ayuu yidhi Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis.

Sidoo kale, intaa kadib weftigu waxa uu booqday Mashruuca dib-u-dhiska iyo dayactirka  Waddada isku xidha Kala-baydh iyo Dila oo ay fulinayso Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, kaas oo laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), waxaana halkaas weftiga warbixin ku siiyey halka mashruucu marayo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Somaliland Mud. Xasan Cali Cismaan, isaga oo masuuliyiinta uga warramay ahmiyadda waddadani u leedahay isu-socodka gaadiidka iyo ganacsiga, isla markaana xusay in hawsha dib-u-dhisku meel fiican marayso waqtigan.

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Hawalaha Guud iyo Guryaynta Mudane Cali Xasan Maxamed (Carli Marreexaan) isaga oo tilmaamay in waddada dhererkeedu yahay 19KM, taas oo ilaa hadda la dhammaystiray 13KM inta hadhayna la dhamaystiri doono ilaa bisha saddexaad ee sannadkan. Waxa uu intaas ku daray in waddadu intii aan dib-u-dhiska la bilaabin ay ahayd mid aad u burbursan oo dhib badani ka soo gaadhi jirtay gaadiidka iyo rakaabka. Ugu dambayna waxa uu tilmaamay isbeddelka wayn ee hadda ka muuqda inuu yahay wax lagu farxo, tayada waddaduna tahay mid aad u fiican.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismacil (Cali shoombe) ayaa isaguna xusay sida Wasaaraddiisu ugu heelan tahay inay isku xidho hawlaha horumarineed ee qaranka si loo taabbageliyo qorshayaasha horumarineed ee Somaliland oo ay ka mid yihiin kuwa laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waxa kaloo uu u mahadnaqay waddamada qaadhaan-bixiyayaasha taageerada ay siinayaan Somaliland.

Dhinaca kale, Ms Mette Knudsen, Safiirka Denmark ee Somaliland iyo Somaaliya oo ku hadleysay magaca Qaadhan-bixiyaayasha ayaa tidhi, “Aad baan u soo dhoweynaynaa sida aad ugu faraxsantihiin in hannaanka qaadhaan-bixiyayaashu u taageeraan Somaliland ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland yahay mid taabbogalay oo ay mudan tahay in la xuso inuu yahay hannaan ku qotoma Qorshaha Horumarinta Somaliland. Waxaannu sidoo kale aad ugu faraxsannahay maxsuulka taageerada aannu bixinay iyo waxa aad ku qabateen.”

Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay fulinaysaa Mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), kaas oo ka kooban qodida afar ceel biyood, dhigidda beebab cusub oo tayo leh oo biyaha u soo gudbin doona Berkadda Kaydka ee Hargeysa, iyada oo sidoo kalena la dhisayo saldhig kor-u-qaadi doona gudbinta biyaha oo laga hirgelinayo Geed-deeble.

Geesta kale, Mashruuca dib-u-dhiska waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila oo dhererkeedu dhanyahay 19KM waxa fulinaysa Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, waxaana laga maalgelinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), dib-u-dhiska waxa ka mid ah iyada oo lakabkii hore ee burburay dhamaantiiba la qaaday, lana saaray lakab ka tayo fiican, waddada xagga hoose sii fiican looga soo dhisay, isla markaana biyo mareenno loo sameeyey. Sidoo kale waxa loo samayn doonaa waddada calaamadaha nabadgelyada iyo waxyaabaha xawaaraha dhima.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talogalay inuu dawladda Somaliland ka taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Dawalda Ingiriiska (DFID) iyo Dawaladaha Denmark, Norway iyo Netherlands.