Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Geedidigiisii Ku Furay Waddani

0
440

Hargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa  munaasibad balaadhan ku soo dhaweeyey Cabdirashiid Xasan Mataan oo ahaa Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID oo iska casilay.

1

Munaasibada uu xisbiga Waddani ku qaabilay Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Taageerayaashiisa  Ucid ayaa Munaasibadii lagu soo dhaweeyey oo ka dhacday Amasadoor Hotel waxa  ka soo qayb galay Madaxda Xisbiga Waddani, Dhalinyarada iyo Haweenka Xisbiga  iyo dadweyne aad u tiro badan.

Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey Cabdirashiid Xasan Mataan waxaanu yidhi “Musharaxii madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan salaadiintiisa iyo taageerayaashiisaba waxaanu leenahay ku soo dhawaada

Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi“ Aniga farxad gaar ah ayey ii tahay inu maanta nagu soo biiro Cabdirashiid Xasan Mataan iyo taageerayaashiisaba, waxaanan qalbi furan ku soo dhawaynayaa, waxaanan cadaynayaa in Cabdirashiid iyo Maxamed Cali ay yihiin garbahayga anaga oo isku duubana aanu meel gaadhsiin doono xisbiga.”

Xoghayaha dib u dejinta Xisbiga Waddani Jaamac Hilaac oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa mahadnaq iyo amaan u soo jeediyey Cabdirashiid Xasan Mataan, waxaanu sheegay inuu yahay Siyaasi wax badan ku soo kordhin doona Xisbiga.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo ka hadlay munaasibadan lagu soo dhawaynayey ayaa isna waxa hadaladiisi ka mid ahaa  “Aniga oo qurba joog ah ayaan dalka imid ujeedada aan u imidna waxay ahayd inaan ka baxo dantii shakhsiga ahayd oo aan u baxo danta qaran oo aan noqdo jiil cusub oo dadka hor gali kara, waxaanan galay xisbiga Ucid oo noqon waayey sidii aan rabay.

 Xisbiga maanta dalka lagu badbaadin karaa waa xisbiga Waddani waxaanan u sheegayaa taageerayaashaydii oo aan leeyahay xisbigani waa ka kaliya ee dalka lagu badbaadin karo, badbaadada qarankuna waxay ku jirtaa xisbiga Waddani, waanan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo xisbiga Waddani”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ugu dambeyntii munaasibadan ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan so dhawaynaynaa cabdirashiid iyo tageerayaashiisa waxaan leenahay ku soo dhawaada Xisbiga wadani waxan halkan ka cadaynayaa siyaasiyiintaa uu hogaaminaayo cabdirashiid in aanay marti ahyin lakiin se ay yimadeen xisbigoogii waxaan ku kalsoonahay in cabdirashiid iyo taageerayaashiisu awaad galin donaan xisbiga wadani mar labaad waxaan leeyahay soo dhawaad”