Wefti ka Socda Shirkadaha Petrosoma iyo Jacka Resources oo Booqasho Taariikhi ah ku Tegay Degaanka Block 26 oo Hawl Sahan Shidaal ah Laga Bilaabyo.

0
545

petrolHargeysa(Geeska)-Wefti balaadhan oo ka socda shirkadaha petrosoma iyo jacka resources ayaa shalay booqasho ku tegay  dhulka uu ku yaal  Block 26 oo ah goob dhowaan laga bilaabi doono hawlo shidaal baadhis ah.

Weftigan oo u hogaaminayay Gudoomiyaha Shirkada Petrosoma garyaqaan Maxamed Yusef Calli Gurey isla markaana ay wehelinayeen  Justin Wood oo metalayay shirkada Austaralyanka ah ee Jacka Resources  oo isagu dalka u yimi si indhihiisa ugu soo arko goobihii hore looga qaaday sahanka.

Waxa kale oo isaguna weftiga la socday Kith Gubbin iyo oo isaguna ka mid ah khubarada ka qayb qaadan doonta hawsha sahanka ee dhowaan la bilaabi doono.

Weftiga oo ka tegay Magaalada Hargeysa waxa tuulada Hara Sheekh ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh md Yuusuf Ibraahim  Geedi(Yamaarug),waxa kale oo weftiga soo dhoweyn diiran kala hor yimi  dhamaan dadweyniha ku dhaqan tuulooyinkii weftigu marayay ka hor intii aanay soo gaadhin Degmada Oodweyne,halkaas oo ay kula hadleen bulshada Deegaanka.

Weftiga ayaa intii ay ku guda jireen safarka waxa ay booqdeeen  tuuloyinka Beerato,Ceeg iyo Boodhlay,Goobahan oo dhamaantood ah meelihii sahanka hore laga qaaday.

Garyaqaan Maxamed Yuusuf  Calli oo warbaahinta u waramayay  ayaa sheegay  in hada ay u yimaadeen bilaabista wejigii hore ee hawsha dhabta ah la qabanayay,taas oo ah in la samaynayo sahan laba nooc ah, Magnetic Survey iyo Seismic Survey kuwaas oo ah sahankii ugu danbeeyay ee goobtan laga qaadi doono [“ Horta safarkani waa safar taariikhi ah, waana markii ugu horeysay ee hawsha shidaal baadhista Somaliland lasoogaadhsiiyoheerkan Magnetic iyo Seismic Survey-ga.Waxaan u bushaaraynayaa dhamaan dadwaynaha Somaliland. Waxaan  samayndoonaa ilaa 5000km oo Magnetic Survey ah. Waxaanu tababar u qabandoonaa shaqaalaha ka hawlgaya goobta.Hawshani waxay socon doontaa muddo saddex bilood dhan.Waanatalaabadii ugu danbaysay ee inaga xigtay qodista shidaalka”

Maxamed Yuusuf oo la weydiiyey rajada qorshaha dhow ay ka qabaan in shidaalka la soo saaro waxa uu yidhi[Hawshan hada aanu u nimi hadii aanu ka faraxalano waxanu ku rajo weynahay bilaabista qoditaanka,waxan ku rajo weynahay in waqti ga ugu dhow aynu gaadhi doono,waxa farxad weyn noo ah in khabiirkii nagala socday shirkada jacka resources  ku qancay waxa indhihiisa ku soo arkay,shidaalkani waa mid umada oo dhami leedahay,waxana ka faa’idaysan doona muwaadin kastoo ree Somaliland ah oo dunida korkeeda ku nool,waxay noqonaysaa shaqo abuuris aan hore loo arag,waynu garan karaynaa qiimaha  uu shidaalku u leeyahay horuumarka wadanka] ayuu hadalkiisa ku soo khatimay md Maxamed Yuusuf