Wefti Ka Socda Baarlamaanka Ingiriiska Oo Maanta Socdaal Xaqiiqo Raadis Ah Ku Imanaya Soomaliland

51
2998

Hargeysa(Geeska)-Wefti ka socda Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa la filayaa inay maanta socdaal ku yimaadaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigan oo ka kooban dhawr xildhibaan, ayaa ujeedada socdaalkoodu waxay la xidhiidhaa u kuurgelidda xaaladda Somaliland ay ku sugantahay iyo qiimaynta mucaawiinoyiinka uu Ingiriisku siiyo.

Xildhibaanadan ayaa la filayaa inay kulan la yeeshaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weliba xisbiyada siyaasadda iyo labada shirgudoon iyo baarlamaanka, waxaanay si gaar ah diiradda u saarayaan meelaha ay Somaliland u baahantahay in si gaar ah looga caawiyo, maadaama oo ay dhawr bilood ka hor ka soo baxday doorashadii madaxtooyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here